Qolka labiska Chelsea ayaa la tacaalaya dhibaatadii ka dhalatay hadaladii cunsuriyadda ahaa ee Enzo Fernandez oo ku heesay koobkii copa del America iyadoo Reece James uu ka hadlay arrimaha ka dhex jira qolka labiska.

Reece James ayaa qirtay duufaanta cunsuriyadda ee ku hareereysan Enzo Fernandez inay si xun u saameyn karto qolka labiska Chelsea. Xiddiga reer Argentine ayaa iska soo duubay muuqaal isaga iyo saaxiibadiis kadib guushii dhawaan ay ka gaareen Copa America, halkaas oo ay ku qaadayeen heeso cunsuri ah oo ay ku jeesjeeseen xulka France. Fernandez ayaa tan iyo markaas raaligelin bixiyay laakiin qaar badan ayaa cambaareeyay falkii uu sameeyay oo ay ku jiraan qaar ka mid ah saaxiibadiis Chelsea.
Laacibka reer France ee Wesley Fofana ayaa bartilmaameed ka dhigtay baraha bulshada ku soo qorey "cunsuriyada aan la joojin karin" iyadoo Blues ay hadda baaritaan ku waddo. Fernandez wuxuu leeyahay saaxiibo badan oo Chelsea ah kuwaas oo ka yimid Faransa,James wuxuu aaminsan yahay in dareenka xun uu sii jiri karo marka ay dib u soo laabtaan.
Waxaa si toos ah wax looga weydiiyay bal in arintu ay saameyn ku yeelan karto doorka kooxda wuxuuna u sheegay ESPN: "Dabcan, had iyo jeer waxaa jirta arrintu aysan si sax uga fiyoowaanin dadka marka dhibaato ayaa jiri karto. Laakiin ilaa maalinta ay timaado hal qol oo ay dadka dhan wada joogaan oo lagu soo noqdo qolkii labiska ma aqaano, laakiin waxaan rajeynayaa in arinta lagu xalin karo si habsami leh oo aan horay uga socon karno xilli ciyaareedka."
Fernandez ayaa hadley oo sheegay in muuqaalkaas uusan ka tarjumaynin waxa uu aaminsanahay ama dabeecadiisa. James kabtanka kooxda, ayaa la xiriiray saaxiibkiis isaga oo dhaleeceeyay falkiisa.

"Waan la hadlay xoogaa isaga, laakiin way igu adkeyd sababtoo ah waxaan joognay meelo kala duwan oo waqtiyo kala duwan," ayuu yiri xidiga Ingiriiska ah. "Kaliya wada sheekeysi guud run ahaantii, aragtidiisa ku saabsan wixii dhacay iyo isaga oo isku dayaya inuu sharaxo xaaladdiisa iyo sida ay wax u dhaceen, runtii waa xaalad adag, ma jirto meel loogu talagalay cunsuriyad ama takoorid kubada cagta.

“Waxay ila tahay in uu si degdeg ah gacanta u taagay oo uu qirtay in uu khalad sameeyay waxana uu raali galiyay asxaabtiisa kooxda iyo dadka intiisa kale ee ay dhibsadeen, waxa aan u malaynayaa in ay taasi ahayd waxa ugu fiican ee uu xaaladaas ku samayn karay. "

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *