Manchester United ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta Noussair Mazraoui oo ka tirsan Bayern Munich ka dib markii uu burburay qorshe uu ugu dhaqaaqi lahaa West Ham United. West Ham ayaa mudnaan siinaysa saxiixa daafac midig oo cusub ka dib markii ay lumisay Ben Johnson oo ka soo qalin jabiyay akadeemiyadooda kuna biirey kooxda Ipswich Town si bilaash ah, West hamn ayaa xoojisay kooxdeeda iyadoo ay ku soo biireen Max Kilman, Luis Guilherme iyo Wes Foderingham.
Damaca Man Utd ee ah in ay la soo wareegaan daafac midig oo cusub ayaa sidoo kale ah mid la wada ogsoon yahay, in kasta oo ay doonayaan in ay iska iibiyaan Aaron Wan-Bissaka, oo hal sano oo kaliya uga harsan yahay qandaraaskiisa Old Trafford,
Wan-Bissaka waxaa bartilmaameed u ah West Ham, iyadoo uu ku wehliyo Mazraoui iyo Southampton Kyle Walker-Peters, laakiin wararka ayaa sheegaya in 26-sano jirkaan uusan dooneyn inuu u dhaqaaqo London Stadium, taa beddelkeedana uu ku rajo weyn yahay in kooxda heysata horyaalka Serie A ee Inter ay u dhaqaaqi doonto. .

West Ham ayaa rajaynaysay inay Mazraoui ka soo wado kooxda Bayern Munich, halkaasoo aan loo dammaanad qaadey inuu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda koowaad ee West Ham.
Heshiis qiimihiisu ahaa €15.5m (£12.7m) oo lagu daray €4m oo dheeri ah ayaa lagu heshiiyey West Ham iyo Bayern, laakiin Sky Germany ayaa markii ugu horreysay sheegtay in wada xaajoodku burburay sababtoo ah Hammers waxay awoodi wayday inay heshiis shaqsi ah la gasho xidiga reer Morocco.
Taasi waxay u muuqatay inay albaabka u furtay Man Utd inay dib u soo celiso u dhaqaaqisteeda Mazraoui, wadahadalada u dhexeeya kooxda 13-ka jeer ee ku guuleystay Premier League iyo Bayern ayaa la sheegay inay marayaan heer 'sare'.
Awooda ay Man Utd u leedahay inay heshiis la gaadho waxay ku xidhan tahay iibinta Wan-Bissaka, iyadoo tababare Erik ten Hag uu hore u qirtay in Red Devils ay u baahan doonto inay sameyso heshiisyo kale oo suuqa kala iibsiga ah, waxay horeba si qaali ah ugu kharash gareeyeen da’yarta Leny Yoro iyo Weeraryahanka heerka caalami Joshua Zirkzee.Ten Hag ayaa sidoo kale ku rajo weyn in uu keeno xiddiga ay isku dalka yihiin ee Matthijs de Ligt, kaas oo sidoo kale haatan ku sugan Bayern, laakiin wadahadalada ayaa soo jiitamayay dhowr todobaad iyada oo kooxda Bundesliga ay sii wadayso in ay ku adkaysato qiimahooda 50 milyan euro (£ 42.3m).

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

                                                     
                     

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *