10. Daichi Kamada to Crystal Palace Lacagta: Bilaash Crystal Palace ayaa cadeeyay inay tahay kooxda ka faa’iideysatay in Daichi Kamada ay xagaagan iyagoo si lama filaan ka dul qaadey kooxda Lazio xagaagan, iyagoo si lacag la aan ku helay ciyaaryahanadda heerka caalami ee dalka Japan kadib markii wadaxaajoodyadii ay la lahaayeen kooxda Lazio horyaalka Serie la lahaa bur bureen oo ay isku fahmi waayeen. Inkastoo uusan laheyn tayadii uu lahaa xidigii ka tagey ee Michael Olise Hadana Kamada ayaa ah xidig waa khadka dhexe oo hurmarsan, ciyaaryahan ayaa horey ugu soo ciyaaray kubada cagta xiligi ugu fiicanaa mustaqbalkiisa macalinka Oliver Glasner ee kooxda Eintracht Frankfurt.9. 

9. Archie Gray to Tottenham Hotspur Lacagta: £ 30m Archie Gray waa mid ka mida ah dhallinyarada ugu xiiso badan ee ciyaaraha ingiriiska hada u soo baxaayo. Isagoo cayaaraha ku soo biirey xilli hore waana xili ciyaareedkiisi ugu horeeyay ee si buuxda kubadda cagta ee xirfadleyda ah uu ku soo qaatey naadiga caruurnimo ee Leeds United sanadka 2023/24, 18-sano jirkaan ayaa xirfadiisa ku kasbaday in uu lacag badan ugu dhaqaaqo naadiga ka dheela Premier League ee Tottenham Hotspur xagaagan. Awooddiisa inuu ka ciyaaro daafaca midig iyo midka dhexe ayaa caddayn doona inuu yahay mid u qalma qiimah badan Ange Postecoglou ka soo bixiyey.

8. Alvaro Morata to AC Milan Lacagta: £ 10.9m £10.9m weeraryahanka kabtan u ah wadankiisa qaadeyna Euro 2024 iyo in shabaqa ku hubsadey 21 gool dhamaan tartamada inta lagu guda jiro xilli ciyaareedka 2023/24? Dhinaca qaab ciyaareedkiisa ee Morata ee kooxaha Atletico Madrid iyo Spain, ayaa sidoo kale laacibkan wuxuu leeyahey waayo aragnimo badan oo dhanka Serie Ada ah oo uu ka keenay kooxdiisi hore ee Juventu, laacibkaan ayaa keenay si uu soo buuxiyo booskii uu ka tagay Olivier Giroud oo ahaa weerarkii kooxda ee Ac milan.

7. Savio to Manchester City Lacagta: £ 30.8m kooxda Manchester City ayaa kooxda kale ee isla leeyahey ee Troyes gudoon siiyay £30.8 m. Savio xaqiiqdii, waa xidig hada soo baxaayo oo City anfacaayo hadii laga faaideysto tayadiisa iyadoo aan loo eegin dhinaca dhaqaale , Man City ayaa u muuqatay inay la saxiixday xidig ka mid ah laacibiinta. 20-sano jirka ah ee mustaqbalka ku leh cayaaraha.

6. Joshua Zirkzee to Manchester United Lacagta: £ 35m Laacib marka loo eego Zlatan Ibrahimovic ama la bar bardigo ayaa ugu wacan tahay tayada uu leeyahey. waxaa cadaalad ah in la yiraahdo in taageerayaasha Man Utd ay si cadaalad ah ugu faraxsanyihiin saxiixa Joshua Zirkzee. Xidigaan wuxuu ahaa mid aan caadi ahayn markii uu joogey Bologna xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, marka la eego da’diisa iyo muuqaalkiisa, £35m ee ay Red Devils ku bixiyeen si ay u helaan xidigaan tayadiisa iyo adeegyadiisa waxay umuuqataa inay ku heleen.

la soco qeybta 2aad warbixinteena xigta.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *