Riccardo Calafiori ayaa tijaabada caafimaadka u maraya kooxda Arsenal ayadoo wax walba la isku afgartay ka hor inta uuna Arsenal uga soo wareegin Bologna, warbixin ayaa daaha ka qaaday iney la wareegeen Arsenal xidigaan oo dhowaanahaa daba socdey.

Gunners ayaa kaliya sameysay hal saxiixa oo joogta ah ee David Raya suuqa kala iibsiga xagaagan laakiin waxa ay in mudo ah baacsaneysay xiddiga reer Italy ee Calafiori dhawrkii bilood ee la soo dhaafay waxana ay haatan u muuqataa in ay ku guuleysteen in la wareegaan xidigaan iyagoo shaacin doono dhawaan heshiiskiisa.

Wargeyska The Athletic ayaa ku warameya in qiimaha iibsiga, heshiiska shaqsiga ah iyo dhammaan wax kasta oo kale ay isku afgarteen kooxaha Arsenal iyo Bologna, iyadoo daafaca dhexe uu diyaar u yahay inuu ku biiro kooxda Mikel Arteta ee ku jirta kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka soo socda ee ka dhacaya dalka Mareykanka.

Kooxda ka ciyaarta Serie A ee Bologna oo ka yaabisay kooxaha Italy inteeda kale kadib markii ay u soo baxday champions League sanadkaan ka dib markii uu hogaaminayay tababarihii hore ee Thiago Motta ayaa Calafiori isaga tagey xeradii ay ku diyaarinayeen xilli ciyaareedka cusub maanta isaga oo ku sii jeeda waqooyiga London. Kooxdaan Bolongna ayaa sidoo kale ka tagey Joshua Zirkzee, kaasoo raacey Macalin man U Erik ten Hag oo ay isku dalka yihiin, halka Thiago Motta uu qudhiisa ka tagey kooxda kuna biirey kooxda Juventus oo uu haatan hogaaminayo.

Imaanshiyaha Calafiori ee kooxda waqooyiga london ayaa tayo ku soo kordhin doona difaacii ugu wacnaa ee Premier League xilli ciyaareedkii hore. Ben White, William Saliba iyo Gabriel Magalhaes ayaa dhamaantood si joogto ah u ciyaarayay afarta danbe ee ciyaarta, halka Oleksandr Zinchenko, Jakub Kiwior iyo Takehiro Tomiyasu ay dhamaantood si fiican uga soo wada ciyaareen daafaca bidix.

22 jirkan ayaa inta badan ka ciyaaray daafaca dhexe intii lagu jiray xili cayaareedkii 2023/24 waxana uu ka soo muuqday daafaca dambeedka dhexe ee Italy intii lagu jiray Euro 2024. Waxa uu wacdaro dhigay intii lagu jiray wareega Group-yada laakiin waxa la ganaaxay 16kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Switzerland ku reebtey
Helitaanka Arsenal Calafiori ee kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ayaa wax weyn u noqon doonta Arteta, isagoo uu la kulmey xiddiga reer Japan Tomiyasu oo dhaawac ku soo gaadhay ka hor kulanka Kooxda ayaa fadhigeedu yahay Los Angeles kulankooda saaxiibtinimo ee ugu horeeya xagaaga ka dibna la ciyaari doonaan Bournemouth subaxnimada Khamiista ah dhankaas iyo mareykanka.



wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *