Liverpool Trent Alexander-Arnold waxaa ka go'an in uu sii jooogo Liverpool, waxaana laga yaabaa inuu dhawaan saxiixo qandaraas cusub si uu meesha uga saaro cabsida laga qabo inuu u dhaqaaqo Real Madrid. (The Sun)

Manchester United ayaa wali rajeyneysa inay iska iibiso Jadon Sancho iyadoo Borussia Dortmund, Juventus iyo Paris Saint-Germain ay dhamaantood isha ku hayaan ciyaaryahanka garabka ka ciyaara, laakiin midkoodna ma bixin karo qiimaha kooxda Man united ay ku dooneyso. (Sky Sports)

Real Madrid ayaan qorsheyneynin inay sameyso saxiixyo kale xagaagan, iyadoo kaliya ay macquul tahay inay yimaadaan Kepa Arrizabalaga haddii Andriy Lunin uu baxo, iyo sidoo kale daafac dhexe oo jaban. (AS - Spain)

Arsenal ayaa kaliya ogolaan doonta bixitaanka Emile Smith Rowe kaliya hadii ciyaaryahanka khadka dhexe uu ku riixo bixitaan iyo dalab la soo bandhigo oo ay ku qancaan.(Mirror)

Tottenham Hotspur ayaa laga yaabaa inay isku daydo saxiixa daafaca dhexe ee Mario Hermoso, kaasoo hadda ah xor ah ka dib markii uu dhacay qandaraaska Atletico Madrid. (AreaNapoli - Italy)

Gunners ayaa sidoo kale filaysa in Oleksandr Zinchenko iyo Kieran Tierney ay iska iibiyaan inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan ka dib markii ay la soo wareegeen Riccardo Calafiori. (TEAMtalk)

Chelsea ayaa ah kooxdii ugu dambeysay ee muujisa xiisaha ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Sociedad Mikel Merino, iyadoo Arsenal, Barcelona iyo Ateltico Madrid ay sidoo kale xiiseynayaan xiddiga reer Spain. (Roberto Gomez - Spain)

Manchester City ayaa Dortmund kala hadashay iibka daafaca midig Yan Couto kaas oo xilli ciyaareedkii hore amaah ku joogay Girona – waxaana laga yaabaa inay dalab 25 milyan ginni ah ka hesho xiddiga reer Brazil. (Daily Mail)

Barcelona ayaa laga yaabaa inay ka iibiso daafaceeda Clement Lenglet kooxda Turkiga ka dhisan ee Besiktas, taasoo dooneysa inay bixiso qeyb weyn oo ka mid ah mushaarkiisa heshiis amaah ah. (Takvim - Turkiga)

Atletico Madrid ayaan haatan wax qorshe ah u hayn in ay halyeyga kooxda ee Antoine Griezmann heshiiska u kordhiso kaas oo uu qandaraaskiisu dhacayo 2026.(Marca Spain).

Corinthians Kooxda reer Brazil ayaa la xiriirtay wakiilka Vitor Roque si ay ugala hadlaan heshiis amaah ah, laakiin iney dhaqso helaan ayaa noqon karta mid aad u adag. (Tv Band - Brazil)

Newcastle United ayaa go’aansatay inay iska iibiso daafaca garabka midig ee reer England Kieran Trippier, kaasoo qandaraaskiisa hal sano uga harsan yahay oo kaliya. 33 jirkan ayaa xiiso ka helaya ugu yaraan laba kooxood oo Saudi Arabia ah. (The Northern Echo)

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/




By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *