Manchester United ayaa durba si firfircoon uga adeegatey suuqa kala iibsiga xagaagan ka dib markii ay la soo wareegeen Joshua Zirkzee iyo Leny Yoro iyadoo hada ay dareenkood u soo jeestay iibka xidigo kale ay hada kula jiraan wada hadalo sidii ula saxiixan lahaayeen. Red Devils ayaa ka mid ah kooxaha ugu firfircoon Premier League xagaagan. Manchester United ayaa suuqa dhigtay Antony, Jadon Sancho iyo Harry Maguire xilli Jim Ratcliffe uu isku dayayo inuu xaliyo dhibaatooyin badan.
Heshiisyada lacagta badan ay ku baxeyso ee uu rabo naadigaan halkaas kuma dhammaanaya. Sir Jim Ratcliffe wuxuu horey u ballan qaaday maalgashi ballaaran oo ah koox dhameystiran oo ah sida uu rabo Erik ten Hag.
Sida laga soo xigtay ESPN, ninka reer Holland ayaa doonaya inuu la soo saxiixdo ciyaaryahan kale oo khadka dhexe ah, daafac dhexe oo dheeri ah oo la ciyaara Yoro iyo daafaca midig. Bartilmaameedyada ayaa durbaba u muuqda in lagu ogaadey boosaskaas iyada oo lala xiriirinayo Manuel Ugarte, Matthijs de Ligt iyo Noussair Mazraoui. Laakiin intaa ka hor, waxaa loo baahan yahy in la iibiyo xidigo badan ee hada joogo si loo helo lacagaha ay ku kala soo wareejinayaan cayaartoyda kale. Waxaa la soo jeediyay in 7 ciyaaryahan ay ka tagi karaan kooxda. kuwaas waxaa ku jira kabtankii hore ee Harry Maguire, daafaca kale ee Victor Lindelof, Scott McTominay, Jadon Sancho iyo Aaron Wan-Bissaka. Xitaa laba ka mid ah saxiixyadii Ten Hag ee Antony iyo Christian Eriksen ayaa macsalaamayn kara kooxda ka hor dhamaadka bisha soo socota. Ciyaartoydaas oo dhan ayaa durba lala xiriiriyay inay baxayaan. Red Devils ayaa diiday dalabkii ugu horeeyey ee Fulham oo ku aadan McTominay, halka Wan-Bissaka lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo kooxda ay xafiiltamaan Premier League ee West Ham. Ten Hag ayaa horay u carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in lagu soo kordhiyo Old Trafford xidigo tayo leh laakiin wuxuu hoosta ka xariiqay shuruud ah inuu marka hore wax ka diro kooxdiisa. Wuxuu yiri: "Tartanka, haa, waxaan u baahanahay ciyaartoy tayo leh, laakiin sidoo kale waxaad u baahan tahay tiro sababtoo ah xilli ciyaareedkan xitaa wuu ka adag yahay xilli ciyaareedkii hore marka waa inaan u diyaargarownaa taas.
"Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan sameynay ganacsi - waxaan ku haynaa Yoro, waxaan heysanaa Zirkzee - laba laacib oo mustaqbalka ah. Laakiin markaan idhaahdo mustaqbalka, sidoo kale wuxuu bilaabmaa maanta. Ciyaarta xigta had iyo jeer waa tan ugu muhiimsan. , xilli ciyaareedka soo socda had iyo jeer waa kan ugu muhiimsan."

Man United ayaa horeba u macsalaamaysay wajiyo badan xagaagan. Mason Greenwood, Willy Kambwala iyo Alvaro Fernandez ayaa dhamaantood laga helay lacago aad u badan. Donny van de Beek ayaa sidoo kale loo ogolaaday inuu ku biiro Girona heshiis qiimo dhimis ah, halka Anthony Martial, Brandon Williams iyo Raphael Varane ay dhamaantood ka tageen kooxda ka markii uu dhamaadey qandaraaskooda.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *