Bayern Munich ayaa diiday dalabkii furitaanka ee Manchester United oo ku aadan daafaca dhexe ee Matthijs de Ligt, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Germany.
Red Devils ayaa hore Leny Yoro ugala soo wareegtay Lille laakiin waxa ay baadi goob ugu jiraan daafac labaad oo cusub, iyadoo Everton ay ku adkaysanayso 70 milyan oo ginni oo ay ku doonayso Jarrad Branthwaite, waxay dareenkooda u weeciyeen De Ligt.
Tababaraha United Erik ten Hag ayaa xitaa dhawaan si rasmi ah u soo bandhigay xiisaha uu u qabo De Ligt, kaasoo u soo baxay mid ka mid ah da’yarta ugu sareysa Yurub waqtigii ay wada joogeen Ajax.

Haatan, wargeyska BILD ayaa sheegaysa in United ay gudbisay dalabkeedii ugu horreeyay ee De Ligt oo ku kacaya €30m (£25.3m) oo lagu daray €5m (£4.2m) oo dheeri ah. Bayern ayaa markiiba ka jawaabtey dalabkii United ayagoo diidey soo jeedinta United, iyadoo kooxda Bundesliga ka dhisan ay raadineyso ugu yaraan € 50m (£ 42.1m) si ay u ogolaato in ay fasaxdo De Ligt.Madaxweynaha kooxda Bayern Uli Hoeness Isagoo ka jawaabaya faallooyinka Ten Hag, wuxuu ku adkaystay inuu ku faraxsanaan lahaa inuu sii haysto De Ligt, laakiin wuxuu diiday inuu albaabka ka xiro in uu baxo xagaaga. “Waa suurtogal in daafacan uu baxo,” ayuu yiri. “De Ligt waa Dutch, tababaraha Manchester United waa Dutch, wax dhib ah kuma qabo hadii uu sii joogo”.
Hoeness oo hadalkiisa sii wata ayaa xaqiijiyay in Bayern ay u baahan doonto inay iibiso ciyaartoy badan ka hor inta aysan la soo saxiixan xidigo cusub ee macalinka cusub ee kooxda Vincent Kompany.

“Ciyaaryahan dambe ma imaan doonaan ilaa labo ama seddex ciyaaryahan ay ka tagaan marka hore,” ayuu carabka ku adkeeyay. "Hadda waxaan haysanaa seddex ciyaaryahan oo dheeri ah, kuwaas oo ku kacaya wadar ahaan € 125m. € 125m!"
United ayaa iyana ku jirta xaalad la mid ah. Ka dib markii ay keensadeen Yoro iyo weeraryahanka reer Holland ee Joshua Zirkzee, Red Devils waxay u baahan yihiin inay lacag ku ururiyaan iibinta xidigo oo ay ka diraan Oldtraford ka hor inta aysan raadin bartilmaameedyada kale sida De Ligt iyo khadka dhexe ee Paris Saint-Germain Manuel Ugarte.
Harry Maguire iyo Victor Lindelof ayaa labaduba wajahaya mustaqbal aan la hubin oo daafaca dambeedka United ah, halka Aaron Wan-Bissaka, Casemiro iyo Scott McTominay dhamaantood lala xiriirinayo inay ka tagayaan Old Trafford.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *