Real Madrid ayaa ah kooxdii ugu dambeysay ee la arko xiisaha ay u qabto daafaca dhexe ee Bologna Riccardo Calafiori kaasi oo wacdaro ka dhigaya Euro 2024.
Calafiori, oo 22 jir ah, ayaa xagaagii soo galay ka dib xili cayaareedkii Serie A ayaa waxaa rabey kooxda Juventus, laakiin qaab ciyaareedkiisa quruxda badan ee Italy ayaa la arkay in indha indheeyayaal badan oo ka kala yimid kooxaha Yurub oo dhan ay xiiseynayaan qaab ciyaareedkiisa.
Sida laga soo xigtay La Gazzetta dello Sport, Juventus ayaa haatan sii kordheysa walaaca ay ka qabto sidii ay dib iskula mideyn lahayd Calafiori iyo tababarihii hore ee Thiago Motta, kaas oo la wareegay shaqada kooxda ka dhisan magalada Turin, sababa la xiriira kor u kaca qiimaha heshiiska iyo xiisaha sii kordhaya.
Real Madrid ayaa lasheegayaa in ay daawatay Calafiori xagaagan taas oo qayb ka ah isku daygooda ay ku doonayaan in ay ku soo xero galiyaan da’yarta ugu fiican aduunka.
Madrid ayaa lumisay xagaagan kabtanka kooxda Nacho Fernandez, kaliya Eder Militao, David Alaba iyo Antonio Rudiger ayaa ka mid ah daafacyada dhexe ee kooxda Carlo Ancelotti. Waxaa jirey rabitaan ah in Leny Yoro lagala soo wareego Lille laakiin wadahadalada ku saabsan 18 jirka ayaan wali wax horumar ah samayn.
Calafiori ayaa u soo baxday bartilmaameed macquul ah. Qiimaha lagu dalban karo ayaa la rumeysan yahay in uu ka kacay €40m (£34m) ilaa €50m (£42m), iyadoo Bologna ay diiday in ay hoos u dhigto maadaama kooxdiisi hore ee Calafiori, Basel, ay leeyihiin 40% qiimaha lagu burburin karo.
Lacagtaan ayaa la filayaa in ay aad ugu badan tahey kooxda Juventus laakiin waxa bixin karo kooxaha kale ee Arsenal iyo Tottenham Hotspur kuwaas oo labadoodaba la sheegay in ay doonayaan in ay Calafiori kala wareegaan ka dib Euro 2024.

Bologna ayaa la filayaa inay waqtigeeda qaadato oo ay sugto dalabaadka ugu badan ee suurtogalka ah 22 jirkaan, kaasoo ku sii jira qandaraas ilaa 2027, iyagoo doonaya inay lacag aad u badan ka soo saaraan kooxaha doonaya.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

                                                     
                     

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *