Manchester United ayaa xiiseyneysa saxiixa goolhayaha Real Madrid Andriy Lunin ka dib markii uu sii kordhay qaladaadka goolhaya joogtada ah ee Andre Onana.          (El Nacional – Spain).

Chelsea ayaa doonaysa in ay Barcelona kala soo saxiixato da,yarka daafaca dhexe ee Pau Cubarsi waxana ay miiska u saartay lacag dhan 70 milyan oo euro. (El Nacional – Spain)

Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay iska iibiso Raphinha oo bartilmaameed u ah kooxaha Arsenal, Aston Villa, Chelsea, Man Utd, Newcastle United iyo Tottenham Hotspur, hadii ay helaan dalab dhan 50 milyan oo euro. (SPORT – Spain)

Arsenal iyo Bologna ayaan wali wax heshiis ah ka gaadhin Riccardo Calafiori, iyadoo labada kooxood ay ka wada xaajoonayaan qaab ay lagu bixinaayo qarashka uu ku soo wareegayo ee 50 milyan ah euro. ( Matteo Moretto - Italy)

Liverpool ayaa ku qiimeysa Trent Alexander-Arnold kaas oo uu hal sano uga hadhsan yahay qandaraaskiisa isla markaana ay xiiso u qabto kooxda Real Madrid, waxayna ku qiimaysaa 70 milyan gini. (Fichajes - Spain)

Chelsea ayaa sii wadata xiisaha ay u qabto weeraryahanka Napoli Victor Osimhen, inkastoo Paris Saint-Germain loo arko kuwa ugu cadcad saxiixiisa.(Caught Offside)

Arsenal ayaa ku dalabatey 40 milyan oo euro oo ay ku doonaysay daafaca bidix ee Barcelona Alejandro Balde kaas oo ay kooxda reer Catalonia iska diiday. (El Nacional – Spain)

Newcastle ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro bartilmaameedka Juventus iyo West Ham Jean-Clair Todibo, iyagoo wadahadalo la yeeshay kooxdiisa haatan ee Nice. (HITC)

Real Madrid ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqdey daaficii hore ee Borussia Dortmund Mats Hummels kaas oo haatan ah xur ama free. (Fichajes - Spain)

Liverpool ayaa diyaar u ah inay lacag kaash ah ku iibiso goolhayahooda ee u dhashey Republic of Ireland Caoimhin Kelleher hadii ay helaan dalab la aqbali karo. (football Insider)

Totenham
xidigooda Richarlison ayaa u furan inuu u dhaqaaqo Saudi Pro League xagaagan laakiin kooxda Tottenham kuma iibin doonto wax ka yar 60 milyan ginni. (HITC)

West Ham United ayaan ku deg degi dooni dalab ku aadan xiisaha ay u qabto daafaca midig ee Man Utd Aaron Wan-Bissaka iyadoo ay walaac ka qabaan qiimaha 26 jirkaan. (Sky Sports Germany)

Chelsea Weeraryahanka kooxda Chelsea ee Romelu Lukaku oo la ilaaway ayaa diyaar u ah in uu 5 milyan oo euro ka gooyo mushaharkiisa netka ah si uu ugu biiro Napoli. (Fabrizio Romano)

Bayern Munich daafaca dambeedka midig ee kooxda Noussair Mazraoui ayaa diyaar ku ah suuqa kala iibsiga xagaagan laakiin waxa ay ogolaan doontaa dalab dhan 30 milyan oo euro si uu uga tago Allianz Arena. (Sky Sports Germany)

Crystal Palace ayaa isha ku haysa in ay kooxda ay London ku xafiiltamaan ee Fulham kula soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee Arsenal Emile Smith Rowe. (Mail Sport)

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *