Manchester United ayaa isha ku heysa inay Bayern Munich ka afduubato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Paris Saint-Germain Xavi Simons, warbixin ka soo baxday France ayaa lagu sheegay. Simons oo 21 jir ah ayaa amaah kula joogey kooxda RB Leipzig. kula qaatay kooxda RB Leipzig xilli ciyaareedkii cajiib ah hore isaga oo dhaliyay 15 gool 15 kalena caawiye ka noqday 43 kulan oo uu saftay waxana uu qaab ciyaareedkiisa sii waday xagaagan Euro 2024 oo uu kula ciyaaray Netherlands.

Bayern ayaa la og yahay inay xiiseyneyso inay heshiis la gaarto xidigaan khadka dhexe laakiin wargeyska Faransiiska ah ee L'Equipe ayaa hadda sheegeysa inay ku qasbanaan doonaan inay la tartamaan kala kulmaan United.
Waxaa la sheegay in United ay ku fashilantay dalab 50 milyan euro ah oo ay ku dooneysay Simons xagaagii hore, waxaana ay mar kale ku soo laabatay isku day ay ku soo jiidaneyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Holland Old Trafford markii labaad. United iyo PSG ayaa horay u yeeshay wadahadalo dheer oo ay ku doonayaan inay ku soo xerogeliyaan ciyaaryahan kale oo khadka dhexe ah, Manuel Ugarte oo daafaca ka ciyaara, kaasoo lagu qiimeeyo in ka badan €60m (£50.6m).

Saxafiga Sky Sports ee Germany Florian Plettenberg ayaa sheegaya in Simons loo aqoonsaday bartilmaameedka ugu sareeya ee Bayern inta ka harsan suuqa kala iibsiga xagaagan, iyadoo da’yarka Rennes Desire Doue uu haatan yahay kaliya bedelka suurtagalka ah.

Bayern ayaa isku dayaysa inay heshiis la gaarto xagaagan, laakiin waxay xitaa ka sugi doonaan inay sugto ilaa 2025, markaas oo wada xaajoodyadu fududaan doonan.

kooxdii hore ee Simons ee PSV Eindhoven ayaa lagu wadaa inay qayb ka qaataan iib kasta haddii Simons uu ka tago kooxda xagaagan, halka bixitaanka 2025 aanu ku lug lahayn kooxda reer Holland, sidaa darteed iibinta 12 bilood gudahood waxay noqon kartaa mid soo jiidasho badan PSG.

Dhanka United, diirada ayaa wali la rumeysan yahay inay saaran tahay saaxiibkii Simons Ugarte, kaasoo horey heshiis shaqsi ah ula gaaray Red Devils, iyo daafaca dhexe ee Matthijs de Ligt. Heshiiska da'yarka Lille Leny Yoro ayaa la soo gabagabeeyay Khamiista, laakiin tababare Erik ten Hag ayaa la filayaa inuu sii xoojiyo dookhyadiisa ka dib bixitaannada Raphael Varane iyo Willy Kambwala.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

                                                     
                     

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *