Manchester United ayaa u dhaqaaqday xilli dambe ee maanta isku daydo inay Aston Villa ka afduubato ciyaaryahanka khadka dhexe Amadou Onana ee Everton, laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium ayaa weli la filayaa inuu dhameystiro ku biiristiisa Villa Park maalmaha soo socda. (Het Nieuwsblad - Belgium)
Man Utd ayaa waxaa ka tagaya Scott McTominay xagaagan sida ay wararka sheegayaan Tottenham Hotspur ayaa isha ku heysa inay Fulham ku garaacdo saxiixa xidigaan 27 jirkaan ah ee u dhashey Scottland. (The Sun)

Barcelona Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda ee Raphinha ayaa isha ku haya in uu dib ugu soo laabto horyaalka premier League. Arsenal, Aston Villa, Chelsea, Man Utd, Newcastle iyo Tottenham ayaa dhamaantood loo soo bandhigay saxiixiisa. (HITC)

Arsenal ayaa doorbideysa inay la soo saxiixato garabka Wolves Pedro Neto.marka loo eego Raphinha Tottenham ku hogaamiso oo ay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal sababtoo ah Arsenal ayaa cayaareyso Champions League. (TEAMtalk) Gunners ayaa sidoo kale soo afjari doonta xiisihii ay u qabtay daafaca dhexe ee Crystal Palace Marc Guehi sababta oo ah qiimihiisu 70 milyan ginni. oo aad ugu oga badan in ay Arsenal ku rabto(The Mirror)

Brentford ayaa qarka u saaran inay hoos u dhigto qiimaha ay ku iibinayso Ivan Toney oo ay ku iibinayso 50 milyan ginni sababtoo ah xiiso la'aan. Tottenham iyo West Ham United ayaa loo arkaa kuwa ugu macquulsan. (The Sun)

Real Madrid waxaa ka go’an inay beeca xorta ah kula soo wareegto daafaca midig ee Liverpool Trent Alexander-Arnold marka uu qandaraaskiisu dhaco xagaaga soo aadan. (TEAMtalk)

Liverpool Virgil van Dijk ayaa laga yaabaa inuu ka tago xagaagan, Reds ayaana bedelkeeda u calaamadsatay Gleison Bremer oo Juventus ka tirsan. (Fichajes - Spain)

Chelsea ayaa loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan karto labada xiddig ee Paris Saint-Germain Randal Kolo-Muani iyo Goncalo Ramos xilli ay wali sii socdaan raadinta weeraryahan cusub. (HITC)

Dani Olmo ayaa 'dalabyo wanaagsan' ka helaya Bayern Munich iyo Manchester City, laakiin Barcelona ayaa weli dooneysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee RB Leipzig. (Mundo Deportivo – Spain)

Man City oo hogaamineysa tartanka loogu jiro Olmo, inkastoo ay diiday in ay bixiso 51 milyan ginni oo lagu burburin karo qandaraaskiisa ka hor inta uusan dhicin. (football Insider)

Real Madrid ayaa xiiseyneysa xiddiga Borussia Dortmund Nico Schlotterbeck iyo kan Bayer Leverkusen Piero Hincapie ka dib markii ay waayeen Leny Yoro. (Rodra-Spain)

Eddie Howe kuma degdegayo inuu ka tago shaqadiisa maamulaha Newcastle United inkastoo loo ogsoon yahey inuu yahay bartilmaameeda koowaad si uu u bedelo Gareth Southgate ee ahaa tababarahii England. (football Insider )

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *