Kooxda West Ham United ayaa xiiseyneysa inay dib ugu soo ceshato laacibkii hore ee kooxda Leicester City iyo kooxda Chelsea Nʼ Golo Kante ee Premier League sida ay sheegeen warar dhowr ah.

33-sano jirkaan ayaa xagaagii lasoo dhaafay ugu dhaqaaqay Sacuudiga si uu ugu biiro al Ittihad heshiis afar sano ah, isagoona ku biiray kooxo ciyaartooyda oo halkaasi aadey oo ay ka mid ahaayeen Karim Benzema iyo Neymar.Markii uu ugu sarreeyey, Kante wuxuu ahaa laacibka qadka dhexe ee daafaca ugu fiican caalamka, wuxuuna door muhiim ah ka ciyaaray leicester guulihii yaabka lahaa ee horyaalka Premier League ee 2016-ka. Waxaa awooddiisa si dhaqso ah u aqoonsaday kooxda Chelsea oo ku guulaysatay koobka horyaalka xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee ciyaaraha horeeya ee stamford Bridge ka hor inta uusan ku guuleysan champions League, Europa League iyo Club World Cup iyo koobabka kale ee heerka sare. Dhibaatooyinka dhaawaca oo sii kordhaya ayaa Kante ka dhigey kaliya in uu cayaaro todobo kulan oo premier league-ga ah sanadkiisii ugu danbeeyey ee Chelsea, lakiin waxa la arkey Kante oo sidiisi hore iyo ka fiican Euro 2024 – isagoo ka ciyaaray khadka dhexe iyadoo France ay gaartay semi-finalka tartanka.

Wargeyska The Guardian ayaa soo waramaya in West Ham ay wadaxaajoodyo kula jirto Kante oo ku saabsan dib u laabasho horyaalk Ingiriiska, waxaana la sheegayaa inay jirtaan diyaargarow ka socota labada dhinac oo ah in la gaaro heshiis.

Lacag dhan £20 milyan ayey diraar la yihiin West hamn, iyadoo macalinka cusub ee kooxda West Ham Julen Lopetegui la fahmay in uu yahay taageere weyn oo ah in Kante uu ku soo laabanayo maalmihiisii xilligii uu ahaa tababaraha Real Madrid, waxaana laacibka laftiisa ka hor sheegay in Euro 2024-ka uu u riyoonayo dib ugu laabashada Yurub. “Maya, ma dhammaan”, ma dhammaan”, ayuu yiri Kante markii la weydiiyay in xirfaddiisii yurub ay dhamaatay. “Waan ka mahadcelinayaa falcelinta. horyaalka sacuudiga, waa kubada cagta oo cusub iyo khibrad cusub. “Waxaan dareemayaa wax fiican, xilli ciyaareedkii la soo dhaafay si fiican ayaan ula cayaarey kooxda Al Ittihad ee ku sugan Pro league diyaar garow fiican ayaan la galnay xulka Faransiiska. Waqtigan xaadirka ah waxaan dareemayaa sanaan, waxaan rajeynayaa inay tani sii socoto.” Kooxda hammers-yada ayaa u baahan in ay helaan laacib qadka dhexe ah. Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ee Kalvin Phillips ay kaga soo wareegeen Manchester City ayaa noqotay mid aan la mahdin waxeyna fasaxeen xidigo badan oo khadka dhexee ahaa oo ay ka mid ahaayen Flynn Downes loo ogolaaday inuu si joogto ah ugu biiro kooxda Southampton – Edson Alvarez, Tomas Soucek iyo James Ward-Prowse.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *