Kadib markii ay la wareegeen xidigaha Leny Yoro iyo Joshua Zirkzee, ayaa hada gudiga cusub ee suuqa kala iibsiga Manchester United u qaabilsan u wareejiyeen dareenkooda laacibka khadka dhexe ah ee ay baahi weyn u qabto kooxda Man united. Kaddib markii ay so dhamaadeen cayaarihii koobka yurub, waxaa koox waliba ay ku qamaamtey suuqa laakin Red Devils waxay u muuqataa in ay heleen saxiixooda ugu fiican ee qadka dhexe kaasi oo ah Manuel Ugarte oo 23-jirk ah. Sida ay sheegayaan wararka ayaa in xidiga heerka caalami ee Uruguay uu durbaba uu kula heshiiyay United shuruudaha shaqsi ahaaneed ka hor inta uusan usoo wareegin kulanka uu ku aadayo old Trafford.

Hadaba Waa kuma Manuel Ugarte?

Hagaag, taasi waa su’aasha aan wargeyska footbool.net ahaan aan u joogno si aan uga jawaabno: waa kubad sameeyaha ugu wanaagsanaa Ligue 1 xilli ciyaareedkii la soo dhaafay. waxaa aad iyo aad u yar in la soo helo laacib khadka dhexe ah oo ka wanaagsan Ugarte Ligue 1.

Laacibka reer Uruguay ayaa si cajiib ah ugu yaqaana raacashada kubadda. Waxa uu celcelis ahaan ku guuleysatey 4.11 taakelada uu sameeyey 90kii daqiiqo xili cayaareedkii 2023/24 oo dhan, , ma jiro laacibka qadka dhexe ee Man Utd oo hal xilli ciyaareed sameeyay mid ka mid ah 18-kii sano ee la soo dhaafay. One vs One kubada ah. Ugarte aad buu ugu wanaagsan yahey. Waa laacibka qadka dhexe ee haysta 91.2% dhameystiray baasaskii uu sameeyey hal xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, taasoo tusaale ka dhigeysa xaqiiqada ah in uu sidoo kale kubadda sii haysan karo ka dib markii uu ku guuleysto taakalka uu sameeyo, ma deg dego oo iskama bixiyo kubada, lugtiisa ayuu heynaa ilaa uu ka dhigo meel haboon.

Kadib markii uu xagaagii lasoo dhaafay uu ku soo biirey kooxda PSG lacag dhan €60m kaga yimid kooxda Sporting CP, Ugarte wuxuu ku guuleystay laacibka bilihii ugu horeeyay ee Ligue 1 ugu fiican
Iyadoo ay ku mahadsan tahay qaab ciyaareedkiisa, xitaa wuxuu loo magacaabey ciyaaryahanka bisha Agoosto, isagoo ku guuleystay taakalada kooxdiisa 41 jeer afartiisii kulan ee ugu horeysay.

Si kastaba ha ahaatee ciyaaryahanka qadka dhexe ayaa booskiisii safka kowaad ee PSG ku waayay go aanka macalin Luis Enrique oo aaminsanaa inuusan ku haboonayn taatikadiisa. taasoo laacibkaan uu cayaarey kaliya 21 kulan.

Sida laga soo xigtay macalinkiisii hore ee Ruben Amorim – oo uu kala soo shaqeeyay Sporting – Ugarte ‘ayaa sifooyin la mid ah mida Joao Palhinha oo laacib kasoo noqday laacibkii ugu fiicnaa burburiyaha dhexe ee Premier League intii uu socday labadii xilli ciyaareed ee Fulham joogey isagoo sameeyay taakelada ka badan laacibiinta kale labo xili cayaareed oo xiriirka ah.
Hadii Man Utd ay dhameyso saxiixa Manuel Ugarte, markaa waa cadaalad in la yiraahdo waxay halkan ku samaynayaan ganacsi fiican oo aad u wanaagsan. ayuu sheegay macalinkiisa hore.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *