Kooxda Aston Villa ayaa dhameystirtay saxiixa laacibka jaden philogene ee kooxda Hull City. Everton iyo Ipswich Town ayaa labaduba diyaar la ahaa dalab 18 m oo ginni in ay bixiyaan oo ay ku doonayaan 22-jirkaan, kaasoo xitaa warar kale xiisa leh loola xiriirinayey Barcelona, laakiin Villa ayaa soo gashay oo ku guuleysatey qodobka iibsashadiisi hore ee ay ku dareen heshiiskii in ay u iibsan karaan hadey u baahdaan xidigaan xagaagii la soo dhaafay.

Villa ayaa sidoo kale 30% qiimo dhimis oo heshiiskiisa ku jirey taas oo warbixinno sheegaya in ay wadarta kharashka guud ee heshiiskan uu ku kacaayo kaliya £ 13.5m. Philogene ayaa noqonaya laacibkii labaad ee xagaagan villa ku soo laabta, isagoo daba socda Cameron Archer, waana laacibkii 7aad ee ku cusub kooxda Unai Emery iyagoo isku diyaarinaya cayaaraha champions League xilli ciyaareedka soo socda. Ian Maatsen, Samuel Iling Junior, Lewis Dobbin, Ross Barkley iyo Enzo Barrenechea ayaa dhamaantood kusoo biiray kooxda Villa xagaagan, halka laacibka qadka dhexe ee Everton ee Amadou Onana uu ka mid xidigaha ku soo wajahan kooxda Aston villa.

Awooda laacibkan Philogene ayaa ahayd mid cad ilaa iyo intii uu joogay akadeemiyada Aston Villa balse, kadib markii uu deyn ku soo qaatay cardiff City, wuxuu ubaahanyahay inuu si joogta u cayaaro taasi ayaan sababtey in uu u dhaqaaqo Hull xagaagii la soo dhaafay si uu saameyn ugu yeesho kubada cagta sare.

Waqti badan kuma qaadan isaga in uu noqdo mid ka mid ah xidigaha ugu khatarta badan ee Championship, isagoo soo bandhigay xirfado aad u sareyso dhanka gooysamada ah. kooxda Villa ayaa u baahan awood dheeri ah iyo laacibiin badan iyagoo isku diyaarineysa safarkeeda Champions League, lakiin Philogene wuxuu rajo ka qabi doonaa inuu aad uga fogaado kursiga keydka. Moussa Diaby ayaa loo badinayaa in uu aadi doono sacuudiga taasi oo albaabka u sii fureyso laacibkaan in uu helo boos joogto ah .Leon Bailey ayaa ah ciyaaryahan ku soo bilaaban doono booskiisa garabka bidix waxaana sidoo kale jiri doona tartan kaga imaan doona Morgan Rogers oo 21 jir ah. labadoodaba waa garabka bidix ee weerarka laakiin Philogene waa dhinaca midig wax sii cariirinaayo ma leh.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *