Paris Saint-Germain ayaa wadahadalo kula jirta Victor Osimhen oo heshiis kaga imaanaya Napoli sidoo kale waxey saameyn ku leedahey mustaqbalka Romelu Lukaku ee Chelsea, sida laga soo xigtay Sky Italy.
Waxaa socda wadahadalo ku saabsan heshiis laga yaabo inuu ku lug yeesho ugu yaraan hal ciyaaryahan oo PSG ah oo u dhaqaaqaya Napoli.
Ciyaartoyda ay PSG soo bandhigtay waxaa ka mid ah Carlos Soler, Nordi Mukiele iyo Kang-In Lee. Lee waa ciyaaryahanka kaliya ee Napoli ay soo bandhigtay inay xiiseyneyso ilaa hadda.
Lukaku oo xilli ciyaareedkii hore amaah kula joogay Roma ayaa waxaa doonaya tababaraha cusub ee Napoli Antonio Conte haddii Osimhen uu baxo.Wuxuu rabaa Lukaku,
Labada nin ayaa si weyn uga soo shaqeeyay Inter Milan, iyagoo ku guuleystay Scudetto markii ugu horeysay 11 sano 2021.
Waxaa la fahamsan yahay in u dhaqaaqista Lukaku ay ku xirnaan karto mustaqbalka Victor Osimhen.
Waxaa jira xiiso xoog leh oo ka imaanaya Sacuudi Carabiya - haddii ay iibinayaan laacibkooda Osmineh Napoli waxay door bidaysaa Osimhen inuu u dhaqaaqo halkaas iyo Saudi Pro league. Si kastaba ha ahaatee, waxaa loo maleynayaa in Osimhen uu doonayo inuu baaqi kusii ahaado Yurub oo uu ciyaaro kubada Champions League xilli ciyaareedka soo socda. Qiimaha Chelsea ay ku dooneyso Lukaku waa ku dhawaad ​​35 milyan ginni. Labo sano ayaa uga harsan qandaraaskiisa kula jiro kooxda Chelsea ee Stamford Bridge.
Chelsea ayaan diyaar u aheyn in ay bixiyo qiimaha ay Napoli ku doonayso weeraryahankeeda Victor Osimhen inkasta oo ay kooxda reer Italy hoos u dhigtay dalabkeeda wax ka hooseeya 110 milyan oo gini.
Kooxda chelsea ayaa laga soo diiday dalab 42 milyan oo gini ah oo ay ku doonaysay weeraryahanka Atletico Madrid ee Samu Omorodion iyada oo kooxda reer Spain ay ugu yaraan 70 milyan gini ku xidhay
Chelsea ayaa ogolaatay heshiis 12 milyan ginni ah oo ay kula soo saxiixaneyso daafaca 20 jirada Portugal Renato Veiga oo ka tirsan kooxda Swiss-ka ah ee Base



wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/









                                                     
                     

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *