Leny Yoro ayaa dhawaan noqon doona ciyaaryahan Manchester United ah waxaana uu qalinka ku duugi doonaa heshiis shan sano ah kooxda ka ciyaarta Premier League, sida ay wararku sheegayaan.Yoro ayaa hore loo aaminsanaa inuu u dhaqaaqi doono kooxda ku guulaysata horyaalka La Liga iyo Champions League ee Real Madrid laakiin warku wuxuu soo baxay goor sii horeysay maanta oo arbacada ah inuu ogolaaday inuu u safro Manchester si uu tijaabada caafimaadka ugu maro. Dalabka United waxaa aqbashay Lille usbuucii hore. 18-sano jirkaan ayaa hadda la sheegay inuu heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda Man united ka dib markii uu dhameystay qeybta koowaad ee tijaabadii caafimaad, sida uu sheegay Fabrizio Romano, isagoo qandaraas waqti dheer ah kula jira kooxdiisa. Waa afgambi weyn oo United ay sameysay iyadoo ay ka harsan tahey kaliya dhowr tijaabo oo kale inta u dhaxaysa hadda iyo xaqiijinta rasmiga ah. Warkan ayaa imanaya maalmo yar kadib markii ay kooxdu ku dhawaaqday imaatinka weeraryahanka Bologna iyo xulka Holland ee Joshua Zirkzee si uu tartan ugu galo weerarka Rasmus Hojlund. Yoro ayaa laga yaabaa inuusan ahayn daafaca dhexe ee kaliya ee yimid Old Trafford xagaagan, sidoo kale. Inkastoo ay wali u baahan yihiin inay iibisadaan xidigo kale ee kooxda si ay u noqdaan koox tartami karta seasonka soo socda.    Jarrad Branthwaite ayaa bartilmaameed caan ah u ah United, kuwaas oo laga soo diiday laba dalab oo ay ku dalbadeen xiddiga heerka caalami ee dalka England. waxaa kale oo diirada u saaran Xiddiga Bayern Munich Matthijs de Ligt.

Los Blancos ayaa horaantii suuqan aad u doonaysay saxiixa Yoro balse hadda waxa ay dib u qiimayn ku samayn kartaa dhaq-dhaqaaqooda suuqa kala iibsiga. Relevo ayaa ku andacooneysa in kooxda heysata horyaalka Spain iyo Yurub aysan heysan dookh kale oo ka baxsan xidiga 21 jirka ah reer France Aurelien Tchouameni, islamarkaana aysan qorsheyneynin inay sii raadiyaan daafac dhexe oo kale.
Waa boos ay Madrid si xun ugu baahatey xilli ciyaareedkii hore. David Alaba iyo Eder Militao ayaa labaduba dhaawacyo ka soo gaareen seedaha bowdada, waxaana ay maqnaayeen waqtiyo badan, halka kabtanka kooxda Nacho Fernandez uu tan iyo markaas ka tagay si uu u dhameystiro u dhaqaaqista Boqortooyada Sacuudiga.
Antonio Rudiger wuxuu ahaa mid ka mid ah xiddigahooda daafaca ugu muhiimsanaa xilli ciyaareedkii 2023/24, halka Aurelien Tchouameni uu muujiyay inuu dib ugu laaban karo daafaca haddii loo baahdo.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/





                                                     
                     

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *