Saxiixa Leny Yoro ma soo afjari doono rajadii Manchester United ee ahayd in ay hesho daafac dhexe oo kale. Manchester United ayaa qarka u saaran inay xaqiijiso saxiixeeda labaad ee xagaaga, iyadoo daafaca Lille uu tijaabada caafimaadka ku marey Old Trafford. 18-sano jirkaan ayey ka bixin doonaan lacag dhan 52 milyan ginni, iyadoo Red Devils ay haatan heysato fursadka dib markii xiddiga reer France la filayay inuu ku biiro Real Madrid ay bur burtey. United ayaa la sheegay inay haysato miisaaniyad xadidan oo ah 50 milyan ginni xagaagan, waxaana ay horeba Bologna kula soo wareegtay weeraryahanka reer Holland Joshua Zirkzee 36.5 milyan ginni. Naadigu waxa ay ogolaatay heshiis lagu dhaqan galinayo qodob ah in la iibiyo Mason Greenwood, oo hadii ay iibiyaan ay qarash meeshas ka heli doonaan. Erik ten Hag ayaa sidoo kale rajeynaya xiddigo badan oo lagu soo daray kooxdiisa. United ayaa weli hami ku qabta inay hesho daafac dhexe oo kale, iyadoo booskaan uu ahaa mudnaanta koowaad ee kooxda ee suuqa kala iibsiga. Dhanka suuqa xagaagan kooxda ayaa qorsheyneysay inay iska xoojiso khadka dhexe ee daafaca, iyo weerarka. United ayaa wali doonaysa in ay daafac kale ku soo darto hadii ay awood u yeelato in ay lacag ku soo xareeyaan iibinta xidigahooda tagaya, sida laga soo xigtay Daily Mail.
Kooxda ayaa sii wada bartilmaameedka xidiga Everton ee Jarrod Branthwaite iyo daafaca Bayern Munich Matthijs de Ligt. Agaasimaha ciyaaraha Dan Ashworth ayaa helay jawaab ka timid kooxda Everton oo diiday dalabka Branthwaite, iyadoo dalab 45 milyan ginni la diiday. Everton ayaa ku rajo weyn inay ku dhawaad ​​​​70 milyan ginni ku iibiso 22 jirkaan. Lacafta ay United ku qarash gareyn doonto Yoro ayaa xoojin karta go’aanka kooxda Sean Dyche.
Ten Hag ayaa aad u yaqaana De Ligt oo uu tababare u ahaa intii uu joogay Ajax. Waxaa la fahamsan yahay in tababaraha United uu durba wadahadal toos ah la yeeshay ninka u dhashay dalkiisa, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in shuruudo shaqsi ah la isku afgartay. Kooxda reer Jarmal ee Bayern ayaa la sheegay in ay 42 milyan ginni ku doonayso 24 jirkan oo ay kala saxiixdeen heshiis ku kacaya 68 milyan ginni oo ay kaga soo iibsadeen Juventus.
Isagoo hadlayay bishii hore Ten Hag ayaa sharaxay suuqa ka caawin doonta United inay horumarto. 54 jirkan ayaa doonaya in uu arko kooxdiisu oo ka soo kabsanaysa kaalinta 8-aad ee horyaalka premier League.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta. https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/





By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *