Ciyaartii labaad ee finalka koobka qaramada Yurub oo xidhiidh ah ayey England guuldareysteen. Xulka England ayaa ka horyimid Spain kulan ka dhacey Berlin fiidnimadii Axadda, iyagoo ku guuldareystay inay soo bandhigaan kubadoodi maadaama ay ugu cadcadeen tartankan kuwaas oo ahaa kooxdii ugu fiicneyd xagaagan ka qeyb gasha cayaarahaan.
1) Isbeddelka shaxda
Soo laabashadii Luke Shaw shaki la’aan waxa ay ahayd wax sax ah – daafaca bidix ee Manchester United ayaa si fiican u celiyey Lamine Yamal – laakiin go’aankii Southgate ee uu uga bedelay shaxdii 3-4-2-1 ee guusha u soo hoyisay horaantii wareega 16ka ayaa ahayd geesinimo. mid ah laakinn England ayaa dib ugu soo laabatay shaxdii ay ku bilaabatay tartanka 4-2-3-1, waxaana mar kale su’aalo la iska weydiinayay sida ay isugu xiran yihiin ciyaartoydooda ugu fiican.
Harry Kane, Phil Foden iyo Jude Bellingham ayaa dhamaantood ku guuldareystay inay soo bandhigaan qaab ciyaareedkoodii ugu fiicnaa finalka, taasoo ka dhigeysa in taageerayaasha England ay doonayeen inay ku soo laabtaan qaab ciyaareedkii fiicnaa ee ay muujiyeen wareega 8da iyo semi-finalka.
2) Fikirka xun
Xulka qaranka England ayaa ciyaarta u qaaday sidii xulkii Netherland oo kale kulan kii semi-finalka waxayna wacdaro ka dhigeen heer jamaahiir badan ay ku kalsoon yihiin in ay finalka la ciyaari doonaan Spain.
markey cayaarta bilaabatey waxaa caddaatay in England ay difaac galeen, intii ay isku dayi lahaayeen inay weeraraan. Waxa ay ku dagaalameen qeybtii hore ee ciyaarta difaac laakin islamarkiiba waxey ku fashilmeen difaaca ka dib markii dib la isugu soo laabtay qeybtii dambe
Sida dhacda marar badan xagaagan, England waxay soo noolaatay kaliya markii ay dib u heleen goolkii barbaraha ee Cole Palmer waa uu u qalmay laakiin kuma filnaanin oo waxaa laga dhaliyey goolkii labaad daqiqadii 85 aad ee cayaarta.
3) in uu ku soo bilaabo Harry Kane
Harry Kane waligiis lama dhigin keyda kulan sidaan oo kale muhiim ugu ah, xitaa haddii uu si fiican u cayaarin koobkaan. Kane ayaa 60-kii daqiiqo cayaarey wax saameyn ah kuma yeelaan ciyaarta wuxuu ku guul daraystay in uu cabsi geliyo daafacyada ka soo horjeeday Robin Le Normand ama Aymeric Laporte oo ka cayaara daafac dambe ee Spain,
Haddii Southgate uu bilaabi lahaa Watkins, oo geesinimadiisa kulankii Netherlands uu ku kasban lahaa inuu ku soo bilowdo cayaartaan oo kale waxaa , laga yaabee in England ay u dabaaldegi lahayd koobkii xaley Axadda.

wixii warar ah ee ku saabskan koobkan euro2024 waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta.
https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *