Spain ayaa ka gaartey guul xilli dambe iyagoo ku 2-1 ku garaacday England waxayna ku guuleysteen finalka Euro 2024. Dhammaan seddexda gool ayaa yimid qeybtii labaad ee ciyaarta, La Roja ayaa wax yar uun u suurtagashay inay ku badiso Olympiastadion ee Berlin. Qaybtii hore ee ciyaarta ayaan wax fursad ah la helin, England ayaa si fiican u cabudhisay Spain. Luke Shaw, oo loo diyaariyay Kieran Trippier oo ka ciyaara daafaca bidix, ayaa ku guuleystay inuu qabto shaqo fiican isagoo meesha ka saaray Lamine Yamal gaar ahaan. Rodri ayaa ciyaarta laga saaray waqtigii nasashada, waxayna taasi u muuqatay mid u wanaagsan England, laakiin Spain ayaa jebisay derbigii wax yar ka dib bilowgii qeybtii labaad. Kubad si wanaagsan looga soo shaqeeyay ayaa la arkay Yamal oo gudaha la soo galay kubada ka dibna helay Nico Williams meel fiican taagan kaasoo kubad dhex dhigey birta goolka.
20-daqiiqo oo kaliya ayadoo ka harsan ayaa, England heshay gookii barbaraha ciyaarta. Bukayo Saka oo dhanka midig ka soo xaroodey, ka dib markii ay cayaartoyda Spain dib ugu gurasho sameeyeen iyagoo difaac xirtey ka dib saka wuxuu u baasey Jude Bellingham, kaasi oo meel fiican kubbada u dhigey Cole Palmer, ka dibna si quruxbadan uga soo toogtay cidhifka diilinta ganaaxa taasi oo noqotey gool kii bareejada.
Si kastaba ha ahaatee, Spain ayaa mar kale hogaanka u qabatay ciyaarta shantii daqiiqo ee ugu dambeysay ciyaarta. Kubad uu gadaal ka soo karoosay Marc Cucurella ayuu helay Mikel Oyarzabal, kaasoo markii ugu horeysay tagey goolka afkiisa ka dibna ku guuleystay in meel cidlo ah u direy goolhaya Jordan Pickford ee England.balse England ayaa ku sigtay in ay bar-baro la timaado weerarkii ugu horeeyay kadib markii ay mar kale dib u dhacday. Koorno uu soo tuuray Palmer ayaa waxaa madax ku dhaliyay Declan Rice waxaana badbaadiyay Unai Simon, kubadii soo laabashada ayuu Marc Guehi ku celiyey waxaan markale soo bixiyey Dani Olmo, oo xariiqda taagnaa goolka afkiisa England ayaa ku dhowaatay ay la timid bareejada laakin ma dhicin. Spain ayaa afar daqiiqo oo dheeri ah ku adkeystay inay ilaalshadaan goolkooda ka dibna guuleystey ​​​​horyaalka Yurub markii afaraad.
Kooxda ragga ee England ayaa weli ah mid aan wax koobab aan ku guuleysan tan iyo markii ay ku guuleysteen Koobka Adduunka ee FIFA 1966.

wixii warar ah ee ku saabskan koobkan euro2024 waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta.
https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *