Real Madrid ayaa xaqiijisay maalinta ay soo bandhigi doonto saxiixeeda cusub Kylian Mbappe kadib markii la isku afgartay beeca xorta ah ee uu kaga soo wareegay kooxda Paris Saint-Germain iyo sidoo kale nambarkiisa rasmiga ah ee xilli ciyaareedka 2024/25. Kabtanka xulka qaranka France ayaa xaqiijiyay inuu qandaraaska u kordhin doonin kooxda reer France dhamaadka xilli ciyaareedka 2023/24 ka hor inta aan la xaqiijinin u dhaqaaqistiisa Real madrid ee mudada dheer uu ku taamayey in Bernabeu ku cayaaro ayaan June sanadkaan u suurto gashey. Waxa uu u saxiixay qandaraas shan sano ah kooxda 15-ka jeer ku guuleysatay horyaalnimada Yurub, kooxda ayaana haatan xaqiijisay in taageerayaasha loo soo bandhigi doono toddobaadka soo socda.
Madrid ayaa sidoo kale si rasmi ah u shaacisay in weeraryahankii hore ee Monaco uu xiran doono lambarka 9-aad, inkastoo maaliyaddaas la filayo inay noqoto mid ku meel gaar ah ilaa uu Luka Modric ka tago oo uu ka tago funaanada ama number 10ka oo hada asaga xiran yahey markaas ayaa waxaa loogu bedeli doonaa 10ka.
Nambarka sagaalaad ee ugu sarreeya ayaa bannaanaa tan iyo markii ku guuleystaha Ballon d'Orii ugu dambeeyey xidig ka tirsan real madrid ee Karim Benzema uu u dhaqaaqay kooxda Saudi Arabia ee Al Ittihad dhamaadkii xilli ciyaareedkii 2022/23. waxaa sidoo kale si ku meel gaar ahaan u soo xirtay halyeyga Madrid Cristiano Ronaldo ka hor inta uusan u wareegin lambarka 7-aad.
War saxaafadeedka ayaa lagu yidhi: “Real Madrid CF waxay ku dhawaaqaysaa in talaadada soo socota ee July 16, 12:00 p.m., bandhigga ciyaaryahankeena Kylian Mbappe uu ka dhici doono garoonka Santiago Bernabeu, madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa ku soo dhaweyn doona Kylian Mbappe Real Madrid City xaflada saxiixa xiddigayaga cusub kooxda shanta xilli ciyaareed ee soo socda.
“Kadib soo bandhigida Kylian Mbappe waxa uu saxaafada kula hadli doonaa qolka saxaafada ee Santiago Bernabeu”.
Waxaa hore loo sheegay in Mbappe lagu soo bandhigi doono qaab raaxo leh "soo bandhigiddii ugu wacnayd ee abid laga sameeyo kubbada cagta".
25-sano jirkaan ayaa haatan laga saaray xulkiisa France Euro 2024 ka dib guuldaradii semi-finalka ka soo gaartay Spain Talaadadii. Hal rigoore oo kaliya ayuu ka dhaliyay tartankan hada ay ka soo hareen ee ka socda dalkaas iyo Germalka.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta.
https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *