Barcelona ayaa heshiis shaqsi ah la gaartay xiddiga reer Spain ee Nico Williams xilli ay ka shaqeynayaan sidii ay xiddiga garabka uga keeni lahaayeen Camp Nou xagaagan, sida ay sheegayaan wararku.
Kooxda Isbaanishka ayaa muddo dheer la dhacsaneyd ciyaaryahanka kooxda Athletic, waxaana ay hadda heshiis la gaareen xiddiga Euro 2024.
Warbixinta ayaa daaha ka qaaday kulan dhexmaray Barca iyo wakiilka Williams Felix Tainta, kaasoo heshiis lagu gaaray in uu soo wareego kooxda reer Catalan ee Barca.
Kooxdu waa inay hadda dareenkeeda u jeedisaa arrinta ah qandaraaskiisa qaaliga ah, kaasoo ku kacaya ku dhawaad ​​€ 58m. Inkastoo ay jirto walaac dhaqaale oo ka jira kooxda, Barca ayaa weli ku kalsoon inay awood u leedahay inay la soo wareegto ciyaaryahanka, iyadoo madaxweyne Joan Laporta uu xaqiijiyay ka go'naanta in uu keeno laacibkaan koooxda Catalan ee 21-jirka ah.
Dabcan aad ayaan uga helay isaga," Laporta ayaa u sheegay El Mati de Catalunya Radio. “Maanta waan awoodnaa inaan la soo wareegno Nico Williams, waan la qabsan karnaa saxiixii Nico oo kale.
"Waxaan kala shaqeyneynaa Hansi Flick saxiixyada suurtagalka ah. Hadda waa inaan uga tagnaa Agaasimaha isboortiga Deco si uu gabagabeeyo howshaan inta ka dhiman. Dhawaan waxaan awoodi doonaa inaan ku dhawaaqno war wanaagsan oo ku saabsan arimaha dhaqaalaha, waxaana ku soo laaban doonaa xadka Fair Play ee La Liga taasina waxay ahaan doontaa war wanaagsan oo dheeri ah oo ku saabsan kooxda.
Ka dib xilli ciyaareedkii guulo la yaab leh oo uu la qaatay kooxda Athletic Club intii lagu jiray mudadaas, Williams wuxuu saftay 37 kulan wuxuuna u dhaliyey sideed gool iyo 19 caawin, ciyaaryahanka ayaa tan iyo markii uu ka soo muuqday xulka xidigaha u metela dalka Spain - isagoo ka caawiyay xulkiisa inay u soo baxaan finalka Euro 2024.Tayadiisa waxaa la dhacsan kooxo badan, iyadoo Arsenal iyo Chelsea ay sidoo kale doonayaan inay xadaan saxiixiisa xagaagan. Waxa uu hore u qirtay inuusan waligiis sugi doonin Barca, sidaas darteed waxaa laga yaabaa inuu wadahadalo dheeri ah la yeesho kuwa kale ee doonaya haddii aysan awoodin inay iska bixiyaan lacagtiisa.
Spain, iyo Williams, ayaa wajihi doona England finalka tartanka, waxaana ay rajeynayaan inay kor u qaadaan koobka Yurub ee Jarmalka.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta.
https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *