Manchester United ayaa tartan kala kulmeysa labada kooxood ee Manchester City iyo Barcelona si ay u soo gabagabeeyaan 45 milyan oo euro oo u dhiganta (£38m) oo ay ku doonayaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Paris Saint-Germain Manuel Ugarte. (Le10Sport – France).Sidoo kale Raadaarka Man Utd waxaa ku jira daafaca bidix ee Fenerbahce Ferdi Kadioglu, iyadoo kooxdu ay wadahadalo la yeelan doonto wakiiladiisa maalmaha soo socda. (Sports Digitale - Turkiga).

Liverpool Tababaraha kooxda Arne Slot ayaa khadka taleefanka kula xidhiidhay khadka dhexe ee Atalanta Teun Koopmeiners xagaagii, kaliya waxa uu ogaaday in xiddiga heerka caalami ee dalka Holland uu mar horeba ka go'an yahay ku biirista Juventus. (Alfredo Pedulla).

Chelsea ayaa diyaar u ah inay kor u qaado xiisaha ay u qabto weeraryahanka Borussia Dortmund Karim Adeyemi iyagoo ku dalbanaya €30m (£25m). Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa laga yaabaa inuu bedelo Raheem Sterling, kaasoo xiiseynaya Al Ahli. (Caughtoffside).

Real Madrid
Haddii Andriy Lunin uu ka tago xagaagan, kooxda reer Spain ayaa ka fiirsan doonto inay u dhaqaaqdo goolhayaha Porto Diogo Costa, kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo €75m (£63m). (AS - Spain)

Arsenal ayaa ku dhow inay Emile Smith Rowe ka iibiso Fulham, iyadoo dalab seddexaad iyo midkii ugu dambeeyay ee ciyaaryahanka khadka dhexe la filayo inuu soo dhawaado. (TEAMtalk).

Marc Guehi ayaa qarka u saaran inuu diido qandaraaska cusub ee Crystal Palace isagoo door bidaya xiisaha ay u soo bandhigeen labada kooxood ee kala ah Arsenal iyo Man Utd. (The Sun)

West Ham United ayaan wax dalab ah dhageysan doonin kaasi oo u yimaada xiddiga khadka dhexe ee Mohammed Kudus xagaagan. (Insider Kubadda Cagta)

Juventus Kadib daawashada Arthur oo qaab amaah ah ugu biiray Fiorentina, labada kooxood Everton iyo Newcastle United ayaa ka fiirsanaya inay xagaaga u dhaqaaqaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus. (MARCA – Spain)

Tottenham Hotspur ayaa isku dareysa bedelasho ciyaaryahan iyo lacag caddaan ah si ay kooxda Aston Villa uga soo qaadato Jacob Ramsey booska Giovani Lo Celso. (Sky Sports)Laakiin Spurs ayaa kalsooni ku qabta inay ceshato 16 jirka garabka ka ciyaara Mikey Moore xagaagan, inkastoo ay xiiseynayaan labada PSG iyo Real Madrid. (HITC)

Juventus Jean-Clair Todibo ayaa isha ku haya inuu dhameystiro ku biiristiisa Juventus ka dib markii uu u wareegi lahaa Man Utd ay bur burtey (Gazzetta dello Sport – Italy).

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta.
https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/



By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *