West Ham United ayaa si aad ah  uga shaqeyneysa saxiixa weeraryahanka Aston Villa Jhon Duran, sida ay maanta xaqiijiyeen ilo wareedyo u dho dhow kooxda. 
xidigaan reer Colombia ayaa hore waxaa u xiiseynayay Chelsea, oo Omari Kellyman kala soo wareegtay Villa ka hor bishii Juun, laakiin West Ham ayaa hadda ku jirta suuqa iyagoo isku dayaya inay xoojiyaan xulashooyinka weerarka ee tababare Julen Lopetegui. Wargeysyada ayaa qoraya in Villa ay diyaar u tahay inay iska iibiso Duran xagaagan doorashadooda waxay ahaan laheyd inay sii hayaan Kellyman hadii u hogaansanaanta sharciga dhaqaalaha aysan aheyn arin, 20 jirkaan ayaa doonaya inuu sahamiyo fursado ka baxsan kooxda inkastoo ay u soo baxeen Champions League xilli ciyaareedka soo socda. Duran waxa uu dareensan yahay in uu diyaar u yahay in uu si joogto ah u ciyaaro waxana uu og yahay in aanu taas ku heli doonin Villa Park maadama uu Ollie Watkins ku jiro booska safka hore, waxa uu ka qayb qaatay 19 gool waxana uu caawiye ka ahaa 13 xilli ciyaareedkii hore taasi oo ka caawisey kooxda Unai Emery iney ku dhameystaan top-afar dhammayn.
Villa sidoo kale kuma qanacsana in Duran uu yahay mid ku haboon qaab ciyaareedkooda wanaagsan, taasina waa sababta ugu weyn ee ay u rabaan inay ka iibiyaan West Ham, kuwaasoo taageeraya tababaraha cusub Lopetegui iyagoo isku dayaya inay dib u soo nooleeyaan kooxdooda.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in West Ham ay u baahnaan doonto inay ku bixiso adduun dhan 35 milyan ginni si ay u helaan Duran, taasoo aad oga yar intii ay dhawaan Wolverhampton Wanderers siisay saxiixa kabtankooda Max Kilman. West Ham ayaa maskaxda ku haysa bartilmaameedyo kale haddii ay awoodi waayaan inay heshiis la gaaraan Aston Villa, kuwaas oo ku rabta 40 milyan ginni ama ay aqbalaan dalab ka yar oo lagu burburin karo heshiiskiisa.
Callum Wilson, ayaa lagu heli karaa inta u dhaxaysa 15 ilaa 20 milyan ginni, waa hal xidig oo looga hadlay West Ham, inkastoo ay tartan kala kulmi karaan kooxaha Saudi Pro League.Laacibka Lille Jonathan David ayaa sidoo kale weli ah ikhtiyaarka West Ham, laakiin xiisaha uga imaanaya kooxaha reer London ee Chelsea iyo Tottenham ayaa ah mid sii adkeynaya helitaankiisa.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta.
https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/






By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *