Manchester United iyo Arsenal ayaa ku dagaalamay saxiixa xidig lagu qiimeeyey 30 milyan ginni oo ah weeraryahanka Ajax Brian Brobbey. Kooxaha dalka Talyaaniga ayaa sidoo kale xiiseynaya xiddiga reer Holland, laakiin wuxuu doorbidayaa inuu ku biiro kooxaha  Premier League ka dhisan.(The Sun)
Man Utd ayaa ka mid ah seddexda kooxood ee xiiseynaya saxiixa Federico Chiesa ee Juventus, iyadoo Chelsea iyo Liverpool ay sidoo kale isha ku hayaan xaaladiisa. Chiesa ayaa la filayaa inuu xagaagan kaga tago Juve qiimo dhan 20 milyan ginni.(Gazzetta dello Sport-Italy)
Arsenal ayaa rajeyneysa inay soo gabagabeyso saxiixa daafaca Bologna Riccardo Calafiori dhowr maalmood gudahood. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Talyaaniga ayaa heshiis shan sano ah la gaaray Gunners.(Calciomercato – Italy)
Chelsea ayaa bartilmaameedkeeda cusub ee suuqa xagaaga ka dhigtay weeraryahanka boosaska badan ka ciyaara ee Borussia Dortmund Karim Adeyemi.(Rudy Galetti - Italy)
Manchester City ayaa go’aansatay inay iska iibiso Jack Grealish iyadoo walaac laga muujinayo hab-dhaqankiisa garoonka ka baxsan. Kooxdii hore ee Aston Villa ayaa xiiso u qabta inay dib ula soo saxiixato xiddiga heerka caalami ee dalka England. (Football Insider).
Real Madrid ayaa laga yaabaa inay dardar galiso qorshaheeda ay ku iibsanayso Leny Yoro ka dib markii ay ogaatay in Lille ay 10 milyan euro ka dhintey qiimihii ay ku doonaysay. Dalabka €50m waa inuu ku filnaado saxiixa daafaca da’da yar. (Relevo - Spain)
Liverpool ayaa miisaamaysa inay dalab cusub ka gudbiso Anthony Gordon, iyadoo ogaatay in Newcastle United aysan ku iibin doonin wax ka yar 70 milyan ginni. (fooball Insider).
Tottenham Hotspur ayaa diyaar u ah inay kula dagaalanto Bayern Munich iyo PSG saxiixa xidiga garabka ee kooxda Rennes lagu magacaabo Desire Doue. (Fabrizio Romano)
Bayern Munich ayaa laga yaabaa inay ku soo degto 17 milyan ginni haddii Man Utd ay go’aansato inay dhaqaajiso 34 milyan ginni ee lagu burburin karo qandaraaska Joshua Zirkzee ee Bologna. Zirkzee ayaa ka tagay Bayern kuna biiray Bologna 2022, waxaana heshiiska lagu qoray qodob ku saabsan iibka. (Sky Sport Germany)
Barcelona ayaa la filayaa inay sii haysato Frenkie de Jong inkasta oo ay hore u qorsheysay inay isku daydo inay iska iibiso xagaagan. Naadigu ma rumaysna inay heli doonaan dalabyo ku filan oo faa'iido leh si ay u iibiyaan qiimo macquul ah. (SPORT – Spain)
Atletico Madrid ayaa baadi goob ugu jirta ciyaaryahan khadka dhexe ah oo cusub, waxaana weeraryahanka Tottenham ee Pierre-Emile Hojbjerg uu yahay dooqa ugu badan ee ay door bidayaan maadaama uu qiimo jaban ku heli karo. (Mundo Deportivo – Spain).

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta.
https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *