Mason Greenwood ayaa shalay garoonka tababarka ee Carrington kula kulmay madaxda Manchester United xilli ay soo baxayeen warar sheegaya in kooxdii hore ee Champions League ku guuleysatay ee Marseille ay u dhaqaaqday saxiixa 22 jirkan.
Greenwood ayaa ku soo laabtay United xagaagan ka dib markii uu soo dhamaadey heshiiskii amaahda uu kula joogay Getafe, laakiin lama filayo in dib loogu soo celiyo kooxda, taas bedelkeedana kooxda oo diyaar u ah ay iibsiso sida warar hoose sheegayaan isagoo galaya hada 12 bilood ee ugu dambeeya qandaraaskiisa.
United waxa ay qabatay maalintii ugu horeysay ee tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka isniintii, Greenwood waxa uu joogay Carrington, laakiin wargeyska The Athletic ayaa xustay in weeraryahanku aanu tababar la qaadan kooxda taa beddelkeedana uu kulamo la qaatay saraakiil sarsare ka hor intii aanu bixin.
Waxaa jira xiiso badan oo ku saabsan xidigaan Greenwood ka dib amaah adag oo uu ku qaatay taasoo keentay inuu dhaliyay sideed gool isla markaana ka qayb qaatay lix caawin La Liga xilli ciyaareedkii hore.
Marseille iyo Lazio ayaa labaduba la rumeysan yahay inay si rasmi ah ula xiriireen Greenwood, kaasoo qiimihiisu uusan cadeyn. Wararka ayaa Greenwood ku qiimeeyay inta u dhaxaysa £20m iyo £40m. Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, United waxay u furan tahay inay amaah kale ku dirto Greenwood laakiin waa haddii ay ku jirto labadaba qodob iib ah oo ah in laga iibsado hadii ay doonto iyo in ay soo ceshato markii ay u baahato. Dookha Greenwood ayaa la fahamsan yahay inuu yahey u dhaqaaqista Marseille, madaxweynaha Lazio Claudio Lotito ayaa si wax ku ool ah kooxdiisa uga saaray tartanka isagoo hadalo xanaf leh u sheegay warbaahinta.
“Sannadkii hore, 20-daqiiqo ayaan daahnay sababtoo ah is-maandhaaf dhexmaray suuqyada Talyaaniga iyo England sidaas darteed heshiiskii Greenwood wuu burburay,” Lotito ayaa daaha ka qaaday. "Waxaan saxiixay Greenwood sannadkii hore markii aadan xitaa garaneyn qofka uu yahay, xaqiiqooyinka ayaa ii caddeeyey inaan saxan ahay sababtoo ah wuu sameeyay wax la taaban karo kooxda Getafe. "Laakin kaliya ma ahan Greenwood, sidoo kale waxaa jira ciyaaryahano kale oo aadan xitaa garaneynin.Waxaan kuu sheegi karaa magacyadooda hada laakin munaasib ma ahan in aan kooxo kale cayaartooydooda ka sheego halkaan".
Greenwood wax tababar ah lama uusan qaadan United tan iyo Janaayo 2022 markaasoo loo xiray isku day kufsi, weerar iyo is kaxameyn la aan. 13 bilood ka dib, kiiskii weeraryahanka waa la joojiyay. Greenwood wuu diiday dhammaan dambiga lagu soo eedeyey.

wixii warar ah ee ku saabskan cayaaraha kubada cagta waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta.
https://www.footbool.net/ ama waxaad kaloo kala socon kartaan facebook bagekeen oo aan maalinkasta soo dhigno wixii warar ah ee ku saabsankan kubada cagta. https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *