Gareth Southgate ayaa ka fiirsanaya inuu u wareego seddex daafac shax ah oo England ku cayaarsiiyo wareega 8da Euro 2024 oo ay sabtida wajahayaan  , sida ay wararku sheegayaan.Ezri Konsa ayaa la sheegay in uu badali doono Marc Guehi oo ganaax ku seegaya kulankaan waxaana laga yaabaa in daafaca dhexe uu kala cayaaro xidiga kala ah John Stones iyo Kyle Walker.
Xul England ayaa la arkayey inay tababar ku qaateen seddex daafac ka hor kulanka Switzerland, kaasoo sidoo kale iyagana ku cayaara shaxda seddex daafac.
shaxdaan waxey u ogolaan karaa Trent Alexander-Arnold inuu ku soo laabto garab weerar ah isagoo ka weerartamaya garabka, halka uu sidoo kale fursad u siinayo Ivan Toney inuu ku biiro Harry Kane dhanka weerarka - wax uu weeraryahanka kooxda Brentford qirtay inuu jeclaan lahaa inuu sameeyo sidii Arbacadii isagoo saameyn ku yeeshay cayaarta markii gadaal laga keenay isagoo baasey goolkii guusha ee England kaasi oo uu dhaliyey Harry Keane.
England ayaa soo bandhigtay afar qaab ciyaareed oo liitay Euro 2024 – inkastoo ay gaareen siddeedii ugu dambeeyay – iyadoo Southgate uu ciyaar walba soo galiyay afar daafac shax ah.Si kastaba ha ahaatee, tababaraha ayaa u wareegay seddexda dambe shax ah qeybtii dambe ee guushii waqtiga dheeriga ahaa timid ee ay ka badiyeen Slovakia axadii hore - waxaana laga yaabaa inuu haatan ku sii adkeysto shaxdaas.
Xulka England ayaa ilbiriqsiyo iney ka huleelaan Euro 2024 markaas oo Toney la soo galiyay laakiin Jude Bellingham ayaa gool cajiib ah ciyaarta ka dhaliyey waqtigii dheeriga ahaa ee lagu darey.Toney ayaa markaas sheegtay inuu caawiye ka ahaa goolkii guusha ee Harry Kane, iyadoo Southgate uu ku kaftamay guusha ka dib weeraryahanku kaasi oo isagoo kaliya loo adeegsaday bedelka soo daahay.
Kooxda Gareth Southgate ee England ayaa wali u taasha shaqo adag inkastoo ay wali nasiib ku socdaan taasi oo ku mahadsan dadaalkii ugu dambeeyay ee badbaadinta Jude Bellingham kulankii axada ee Slovakia.
Dareenka guud waa kooxda, oo ay ka buuxaan xidigo leh xifrado weerar ah, waxay heystaan ​​wax badan oo ay ku soo bandhigaan laakiin Southgate wuxuu u baahan yahay inuu raadiyo hab uu ku soo saaro tayada xidigihiisa si uu uga soo kabsado eedeymaha uu la kulmo kulan kasta ka dib dhanka saxaafada iyo dhanka taageerayaashan.
xulka Swisserland waa la soo agaasimay ayna ka goantahey in guul soo hooyaan, ka dib markii ay soo baxeen guruubkooda oo aan laga badin, waxay soo jiiteen indhaha iyagoo si cajiib ah u garaacay Talyaaniga.


wixii warar ah ee ku saabskan koobkan euro2024 waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta.
https://www.footbool.net/ https://www.skysports.com/football

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *