Daafaca midig ee Bayer Leverkusen Jeremie Frimpong ayaa u furan suuqa kala iibsiga xagaaga, waxaana uu door bidi lahaa ku soo laabashada Premier League,sida ay sheegeen dadaka ka agdhow dhow xidigaan. Manchester United iyo Manchester City ayaa xiiseynaya saxiixiisa.Frimpong, oo ahaa xidig ka soo baxey akadeemiyada City ka hor inta uusan u dhaqaaqin Celtic sanadka 2019, ayaa isha ku haya dhowr kooxood oo waaweyn ka dib bandhigiisi heersare ahaa uu la soo baxey isagoo u dhaliyay 14 gool iyo 12 caawin xidigaan garabka daafaca ka ciyaara ayaa kooxdiisa kula guuleysatay horyaalka Bundesliga ee uu hogaaminayo tababare Xabi Alonso.
Xidigaan oo lala xiriirinayey inuu ka tagayo Leverkusen xagaagan ayaa ilo wareedyo xaqiijiyay warhaabinta in Frimpong uu u furan yahay in uu baxo ka dib seddex sano oo uu joogay Jarmalka. Haddii Frimpong uu baxayo, waxaa la fahamsan yahay inuu doorbidayo ku soo laabashada Premier League.
Waxaa jiray horumar yar oo dhanka wadahadalada suuqa kala iibsiga ah iyadoo Frimpong uu ku maqan yahay Netherlands Euro 2024, laakiin United iyo City labaduba waxay xiiseynayaan inay soo afjaraan heshiiska 23 jirkaan.
Waa City oo xiisaheeda uu aad u horumaray sida ay hadda tahay, iyadoo kooxdu ay wadahadalo gudaha ah la gashay si ay ugala hadasho suurtogalnimada inay dib ula midoobaan daafaca reer Holland.
U dhaqaaqista Frimpong ah waxay u badan tahay inay ku xirnaan doonto bixitaan Kyle Walker, kaasoo daneynaya in uu aado Sacuudi Carabiya. Si kastaba ha ahaatee, iyadoo 34-sano jirkaan uu sidoo kale ku mashquulsan yahay Euro 2024 England, xal kasta waa ka fog yahay in la gaaro, Frimpong waa inuu u dulqaataa haddii uu doonayo inuu xirto beddelkiisa.
Barcelona ayaa sidoo kale aad ula dhacsan Frimpong, iyadoo maamulaha cusub ee Hansi Flick la fahamsan yahay inuu taageere weyn u yahay tababaraha reer Holland, laakiin dhibaato dhaqaale oo soo food saartay ayaa keentay in Frimpong uu go’aansado ku soo laabashada England inay noqon doonto tallaabadii ugu fiicneyd uu xidigaan doonayo
Frimpong ayaa la fahamsan yahay in qandaraaskiisa lagu burburin karo 40 milyan oo Yuuro (£ 34m) kaasoo kaliya shaqeynaya xagaagan.
Mustaqbalka Frimpong ee murugsan waa diidmada Leverkusen ee ah inay macsalaamayso ciyaartoy badan oo muhiim ah ka dib markii ay si lama filaan ah ugu guulaysteen horyaalka Bundesliga. Ilo wareedyo ayaa wargeysyada u sheegay in kooxda heysata horyaalka Bundesliga ay qorsheynayaan kaliya inay lumiyaan ugu badnaan labo xiddig oo waaweyn iyo hal kaliya.
Daafaca dhexe Jonathan Tah, oo qandaraaskiisu dhacayo xagaaga soo aadan, ayaa bartilmaameedka koowaad u ah Bayern Munich, waxaana la filayaa inuu u dhaqaaqo Allianz Arena.

wixii faafaahin ah ee ku saabsan suuqa kala iibsiga cayaartooyda waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta iyo saacad kasta.

https://www.footbool.net/ https://www.90min.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *