Netherlands ayaa 3-0 ku garaacday Romania wareega 16-ka ee Euro 2024 galabnimadii Talaadada, iyagoo iska xaadiriyey booskooda wareega 8da.
xulka Holand wacdaro fiican ma soo bandhigin tartanka xagaagan laakiin waxay soo bandhigeen bandhiggoodii ugu xooganaa ilaa maanta iyagoo wajahaya koox Roomaaniya oo adkeysi leh. Qeybtii labaad ee ciyaarta labo gool oo uu dhaliyay Donyell Malen iyo mid uu dhaliyay Gabko kaasi oo ahaa gool qurux badan ka dib ay xulka holan soo bandhigeen qaab ciyaareed heer sare ah.
Romania ayaa si qurux badan ku bilaawday waxana ay u muuqdeen kuwa ka kalsooni badan qeybtii hore ee ciyaarta,laakin waxa gool laga dhaliyey markii ah cayaarta socotey 20 daqiiqo. Cody Gakpo, oo laba gool ka dhaliyay Euro 2024 mar hore, ayaa hogaanka u dhiibey xulkiisa Holland isagoo kubad meel u dhow soo tuuray. Goolhaye Florin Nita oo 36 jir ah ayay ahayd in uu badbaadiyo lakin ma dhicin.
Stefan de Vrij ayaa ku dhawaaday inuu laba jibaaro goolka Netherland lix daqiiqo uun laakin laga badbaadiyey, kooxda Ronald Koeman ay bilaabaan weeraro isbada joog ah ay ku qaadeen goolka xulka Romania.
Xulkaan oo ku guuleystay koobkaan 1988-kii horyaalka Yurub waxay si adag u difaacdey hogaanka cayaarta. Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay 7 darbo iyo toban koorno soo tuureen ka dib markii ay gaartey daqiiqadii 83 waxaa gool labaad u dhaliyey Holand cayaryahan Male isagoo hogaan u sii dheereyey ka dib markii ay cayaarta dhamatey 90 daqiiqo oo lagu darey 4 daqiiqo oo dheeri ayuu hadan D.Male dhaliyey goolkiisi labaad taasi oo cayaarta ku soo gabagabeysay 3-0 oo xulka holand ugu soo baxey wareega 8aad asagoo la kulmi doono turkiga.
Labo gool oo uu dhaliyay daafaca Merih Demiral ayaa Turkiga ka caawiyay inay ku guuleystaan ​​tartanka Euro 2024 xulka Austria iyagoo ku reebay wareega 16aad.
Daaficii hore ee Juventus Demiral ayaa daqiiqadii 1-aad ee ciyaarta goolka u daah furay garoonka Leipzig Stadium isaga oo ka faa’iidaystay difaacyada hurdeysnaa ee xulaka Austri kubbad koorna aheyd oo goolhayaha ka soo badbaadiyey xariikhda goolka ka dib uu ku celiyey gool darbo xoog badan.26-sano jirkaan oo dhaliyay kaliya labo gool 47-kii kulan ee u saftey oo heerka caalami ah ayaa laba jibaaray wax ka yar saacada, isagoo kor u kacay heerka ugu sareeya isagoo si khibrad leh u toogtay Arda Guler. Kooxda Vincenzo Montella ayaa hadda gaartay sideed dhamaadka koobka qaramada Yurub markii ugu horeysay tan iyo 2008dii, markaasoo ay wareegyadii si fiican uga soo baxeen ka hor inta aysan Germany ku reebin semi-finalka.
Kulamda wareega 8aad ayaa bilaabanaya habeenka jimcaha markaasoo Spain ay la dagaalami doonto xulka martida loo yahay ee Germany ka hor inta aysan Portugal la ciyaarin France. England ayaa la kulmi doono Switzerland ka hor inta uusan Turkiga la kulmin Netherlands.

wixii warar ah ee ka soo baxay ka hor inta aan la gaarin kulamadaan iyo qaabka ay isku diraarinayaan kooxaha waxaad kala socon doontaan halkaan.https://www.footbool.net/ https://www.90min.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *