Xulka qaranka France ayaa u soo baxay wareega 8-da ee Euro 2024 kadib markii ay 1-0 kaga badiyeen xulka ay xifaaltamaan ee Belgium.Gool soo daahay oo uu iska dhaliyay Jan Vertonghen ayaa ahaa waxa kaliya ee kala saaray labada dhinac ee Dusseldorf ku dagaalamey iyadoo Les Bleus ay ku dhowdahay inay guuleysato.
Gool uu iska dhaliyay Jan Vertonghen daqiiqadii 85-aad ee ciyaarta ayaa aheyd dharbaaxo halis ah oo soo gaartay Belgium, kuwaas oo ka haray Euro 2024 ka dib markii ay guuldarro 1-0 ah ka soo gaartay wareega 16ka.
Xulka France oo aan wali wax gool ah ku dhalin ciyaar furan ayaa ku dhibtooday in ay shabaqa soo taabtaan iyaga oo ka soo baxay heerka Group-yada iyaga oo dhaliyay goolalkii ugu yaraa ee furitaanka tartanka tan iyo koobkii adduunka ee 2010-kii.
kooxda Didier Deschamps ayaa laga yaabaa inay wax badan ka doonayeen fursadahooda, oo ay ku jiru xidigooda Kylian Mbappe, laakiin waxay heleen fursad ka dib markii Kolo Muani uu ku qalqal galiyey daafaca Belgian taasi oo ka dhalatey goolkii ay heleen cayaarta.
Fursadihii ugu dambeeyay ee Belgium-ka ma aysan midho dhalin, halka France ay rajeyneyso inay horumariso dadaalkooda weerarka ah ee ay ku wajahayaan guusha Portugal oo caawa isana soo baxey ayaa ku kulmi doono Hamburg maalinta Jimcaha.
Portugal ayaa ka soo baxey oo ka soo badiyey xulkii Slovenia kaasi oo cayaar aad u adag uu kala kulmey. cayaarto oo aan wax gool la iska dhalin waqtigii loogu talo galey ayaan ku soo dhamaatey natiijo la aan labada koox waxaan lagu darey 30 daqiiqo oo dheeri ah, waxaana fursad fiican soo martey xulka Portuqiisa ayagoo helay rigoore lagu galey cayaaryahan Jota balse waxaa qasaariyey xidigii aduunka ee xulka portugal Ronaldo kaasi oo oga faaideyn waayey fursadaas xulkiisa, waxey ku soo dhamaatey 30 daqiiqo ee extra timeka 0-0 waxaan markiiba toos loo aadey rigooreyaal taasi oo xulka portuqiiska ay dhaliyeen intaba rigooreyaalkooda halka xulka slovenia laga wada qabtey dhamaan rigoorayaalkii ay tuurteen waxaan. haatan xulka portuqiiska ayaa ka hortagi doono xulka france kulan ka dhici doono maalinta jimcaha ah. labadaan xul oo ah kuwa aad loogu saadaalinaayey in ay ku guuleystaan koobkaan ayaa hada isku soo aadey marka waan arki doonaa xulkii soo baxo ee aado afar dhamaadka koobkaan. labada xulba waxey wataan xidigo aad u qiimo badan oo tayo sare leh kana cayaara kooxaha ugu waa weyn ee aduunka.

wixii warar ah ee ku saabsan koobkaan waxaad kala socon kartaan webkeena 24 gudahooda iyagoo faah faahsan.
https://www.footbool.net/ https://www.90min.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *