Germany ayaa qaba cabsi dhab ah ka hor wareega sideed dhamaadka Euro 2024 iyadoo daafaca dhexe ee Antonio Rudiger la arkay isagoo dhutinaya ka dib guushii Denmark.
Rudiger ayaa shaki laga galinayay inuu ciyaaro ka dib kulankii xaley ay 2-0 kaga badiyeen Denmark sababtoo ah dhaawac muruqa ah ayaa ka soo gaaray xidigaan muhiim u ah daafaca xulka germalka sanadkaan, lakiin waxa uu u halgamay inuu ciyaaro 90 daqiiqo ee cayaarta socotey waana markiisi afaraad xagaagan.
Wargeyska Spanish-ka ah ee Mundo Deportivo ayaa maanta qoraya in 31-sano jirkaan uu u muuqday mid ka sii liidata sida la arkaayey ciyaarta ka dib, waxaana uu ku socday hal lug oo saaid ayuu u dhutinaayey markii uu ka tagayay garoonka Signal Iduna Park ee Borussia Dortmund.Rudiger waxa uu haystaa usbuuc uu kaga soo kabto taam ahaanshihiisa, iyadoo tababare Julian Nagelsmann ay u badan tahay inuu xiddiga Real Madrid siiyo waqti badan oo uu ku nasto marka loo eego heerka uu ka yahay mid ka mid ah daafacyada dhexe ee ugu fiican adduunka.Xul Germanka ayaa ku dhici doono wareega 8da midkii guulaysta kulanka aadka loo wada sugayo ee Spain ay la ciyaari doonaan Georgia caawa.Haddii Rudiger uu ku guuldareysto inuu soo kabsado, Nagelsmann ayaa laga yaabaa inuu ku laabto Bayer Leverkusen xidigooda Jonathan Tah, kaasoo ganaax ku maqnaa kulankii Denmark, waxaana lagu bedelay Nico Schlotterbeck.waxaa kaloo jooga xidiga Stuttgart Waldemar Anton ayaa kursiga keydka ka soo kacay kulankii Denmark, halka Leeds United's Robin Koch, oo ah bedel aan la isticmaalin, uu yahay dookh kale oo u furan macalinkii hore ee Bayern Munich iyo RB Leipzig Nagelsmann.
"Waxaan u maleynayaa inaanan haysan cadaadis ka badan sidii caadiga ahayd," Nagelsmann ayaa yiri isagoo isku diyaarinaya inuu wajaho Spain ama Georgia midkood. “Waxaan qabaa in taageerayaasha iyo sidoo kale rajada taageerayaasheena ay nagu weyn tahay. "Waan la tacaali karnaa cadaadiska, aniga ahaan, wali waa sharaf, sidoo kale waxaan u sheegnaa ciyaartoyda inay sharaf u tahay inay ciyaaraan ciyaaraha kubada cagta, ciyaartoyda oo dhan waxay la qabsadeen wax ka qabashada, markaa wax dhib ah ma laha."
Goolal ay kala dhaliyeen Kai Havertz iyo Jamal Musiala ayaa u sahlwy Germany in ay dhaafaan dhinac adag oo ahaa xulka denmark, balse waxa la sugay guushooda.

wixii warar ah kala socda halkaan maalin kasta wixii ku saabsan cayaraha Euro2024. https://www.footbool.net/ https://www.90min.com/






By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *