Manchester United ayaa la xiriirtay kooxaha Arsenal,Chelsea iyo Manchester City una soo bandhigtey inay iibsadaan xiddiga garabka ka ciyaara ee Jadon Sancho, iyadoo Sir Jim Ratcliffe uu dalbaday lacag dhan 40 milyan ginni si uu uga tago 24 jirkaan. Dhanka kale Man Utd waxaa laga yaabaa iney soo qaadato daafaca dhexe ee Bayern Munich Matthijs de Ligt, iyagoo si weyn uga fiirsanayo iney  bartilmaameed ka dhigtaan xidigaan suuqa kala iibsiga xagaagan kaasi oo aan boos joogta ka heysan kooxdiisa haatan ee Bayern.
Barcelona iyo Paris Saint-Germain ayaa labaduba ka shaqeynaya sidii ay ku qancin lahaayeen weeraryahan Julian Alvarez inuu ka tago Man City xagaagan.
Newcastle United ayaa sheegtey iibsatay qiimaha lagu heli karo xidigooda kaasi oo ah 100 milyan oo gini Alexander Isak, Chelsea ayaa ka baxday tartankii ay ugu jirtey in la soo wareegto saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Sweden.
Bayern Munich ayaa diyaar u ah inay ka baxdo wada xaajoodka ay kula jirtey Fulham ee ku aadan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Joao Palhinha hadii la aqbali waayo dalabkii ugu dambeeyay ee 38 milyan ginni.
Arsenal iyo Tottenham Hotspur ayaa labaduba isha ku haya saxiixa Adrien Rabiot marka uu qandaraaskiisa Juventus dhacayo dhamaadka bishaan.
Kingsley Coman ayaa ka baqaya in uusan mustaqbal ku yeelan kooxda Bayern Munich, wakiiladiisa ayaa wadahadalo la yeeshey Liverpool oo ku saabsan suuqa kala iibsiga xagaaga.
Madaxwaynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa ku wargaliyay Arsenal inay diyaariso 25 milyan oo euro oo u dhiganta £21m ginni si ay ula soo wareegto goolhaye Andriy Lunin.
Man City iyo Newcastle ayaa labadoodaba soo bandhigey xiisaha ay u qabaan saxiixa daafaca dhexe ee Barcelona Ronald Araujo, kaasoo ka labalabeynaya inuu qandaraas cusub u saxiixo Camp Nou. Waxaa lagu iibin karaa lacag dhan £100m.
Benjamin Pavard ayaa diiday fursad uu kaga tagi karo Inter milan xagaagan kuna biiro kooxaha ka dhigan Saudi Pro League.
Borussia Dortmund ayaa dalab ka gudbisay xidiga 16 jirka aadka loo qiimeeyo ee Mikey Moore oo ka tirsan Tottenham.

wixii warar ah ee ku saabsan suuqaa kala iibsiga cayaartooyda waxaad kala socon kartaan shabakadeena maalin kasta wixii ay qoraan jaraaidyada ugu waa weyn ee ka faalooda cayaaraha iyagoo faah faahsan.

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *