Manchester United ayaa wadahadalo kula jirta Adrien Rabiot si uu xagaaga si ugu dhaqaaqo Old Trafford. Qandaraaska ciyaaryahanka khadka dhexe ee France iyo Juventus ayaa dhacaya dhamaadka bisha June, welina ma uusan go’aansan mustaqbalkiisa.    Dhanka kale, Man Utd, Liverpool iyo PSG ayaa dhamaantood xiriir dhow la sameeyay daafaca Lille Leny Yoro maalmihii ugu dambeeyay si ay u ogaadaan inay sugi doonaan hadii uu burburey qorshahii uu ugu dhaqaaqi lahaa Real Madrid.
Daafaca dhexe ee kale ee ay Liverpool isha ku hayso waa Murillo, kaasoo laga yaabo inay iibiso Nottingham Forest si ay u yarayso walaacooda dhaqaale. Milan ayaa ku riixaysa inay Romelu Lukaku amaah ugala soo wareegto Chelsea, laakiin waxa u sii dheer weeraryahanka Bologna Joshua Zirkzee oo ahaan doono beddelkii hadii aysan helin lukaku. Zirkzee ayaa sidoo kale waxaa xiiseynaayo kooxda Man Utd. Arsenal ayaa haatan hogaamineysa tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka PSV Eindhoven Johan Bakayoko, kaasoo lagu heli karo ku dhawaad ​​42 milyan ginni.
Tottenham Hotspur ayaa si dhab ah uga fiirsaneysa inay u dhaqaajiso 60 milyan ginni ee lagu burburin karo qandaraaska Crystal Palace Eberechi Eze marka ay iibiso qaar ka mid ah ciyaartoyda kooxda koowaad ee haatan.
Napoli ayaa diyaar u ah inay dhageysato dalabyada uu imaanaya ee kacaya 85 milyan ginni oo ay ku dooneyso Victor Osimhen, kaasoo hoos u dhigaya qandaraaskiisa 100 milyan ginni. Arsenal iyo Chelsea ayaa si weyn loola xiriirinayay weeraryahanka Nigeria.
Bayern Munich ayaa isku diyaarinaysa inay iska iibiso Joshua Kimmich xagaagan, iyadoo tababaraha cusub ee Vincent Kompany uu qorsheynayo inuu khadka dhexe ku bedelo Joao Palhinha ee Fulham.
Barcelona ayaa si aad ah uga shaqaynaysa sidii ay u heli lahayd saxiixa xiddiga RB Leipzig ee Dani Olmo kaas oo ku yimid nidaamka akadeemiga kooxda.
Manchester City ayaa horay u qabatay wadahadalo ku saabsan u dhaqaaqista Olmo, inkastoo wada hadaladan aan la hormarin

wxiii warar ee ku saabsan suuqa kala iibsiga kala socda halkaan wixii ay ka qoreen wargeysada ugu waa weyn ee yurub ayaan ka soo qaadana soo koobnaa.
https://www.footbool.net
https://www.90min.com/






By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *