Manchester United ayaa xiriir la sameysay wakiilka Alvaro Morata oo ku saabsan u soo dhaqaaqista xagaaga ee Old Trafford. Qandaraaska Morata ee Atletico Madrid waxaa ku jira qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa kaasi oo ah 12 milyan euro, iyadoo Fenerbahce ay sidoo kale dooneyso kabtanka  xulka Spain.
Bayern Munich ayaa miisaamaysa inay bixiso 50 milyan ginni oo lagu burburin karo qandaraaska weeraryahanka Manchester City Bernardo Silva. Barcelona ayaa xiiso wakhti dheer ah haysata laakiin ma haysato dhaqaale ay ku maal galiso saxiixa xiddiga halka Real Madrid ay diirada saarayso sidii ay xiddigo kale ugala soo wareegi lahayd.
Real Madrid Mawqifkeeda ku aadan saxiixa xiddiga Lille Leny Yoro isma bedelin, da'yarka ayaa xiisihii ay u qabaneen waxaa dib u celiyay kooxaha Man Utd iyo Liverpool horaantii xagaagan.
Barcelona ayaa isha ku haysa in ay Raphinha iibiso si ay u hesho lacagta lagama maarmaanka ah si ay Luis Diaz ugala soo wareegto Liverpool. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Aston Villa Douglas Luiz ayaa lagu wadaa inuu tijaabada caafimaadka u maro Juventus, isagoo qandaraas shan sano ah diyaar u ah inuu saxiixo.
Inter Miami ayaa isha ku heysa inay lasoo saxiixato xidiga xorta ah ee Raphael Varane ka dib markii laga fasaxay Manchester United.
Chelsea ayaa dhameystirtay saxiixa weeraryahanka Palmeiras Estevao Willian dhamaadkii Isbuuca, inkastoo koox aan la magacaabin ay isku dayday inay afduubto heshiiska usbuucii hore.
Arsenal waa inay Nico Williams ka dhigto mid ka mid ah labada ciyaaryahan ee ugu mushaarka badan haddii ay doonayaan inay xagaagan kala soo wareegaan Athletic Club.
Tababaraha Liverpool Arne Slot ayaa ogolaaday in kooxdiisa cusub ay isku dayaan inay keenaan Williams, laakiin Chelsea ayaa u aragta 58 milyan euro ee lagu burburin karo qandaraaskiisa xidigaan Isbaanishka iyo kharashaadka dheeriga ah ee wakiiladiisa.
Arsenal iyo Liverpool ayaa sidoo kale ku dagaalami doona daafaca boosaska badan leh ee Lutsharel Geertruida, kaasoo ka hoos shaqeeyay Slot ee Feyenoord.
Tottenham Hotspur ayaa si weyn uga fiirsaneysa inay dib ula soo saxiixato xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Sporting CP Marcus Edwards. Edwards wuxuu soo maray akadeemiyadda Spurs wuxuuna ku xisaabtami doonaa garanko Tottenham sida gurigiisa.
Pascal Gross ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Borussia Dortmund isaga oo ka tagaya kooxiida haatan ee Brighton & Hove Albion waxana uu ku dhawyahay in uu heshiis shaqsi ah la gaadho.
Newcastle United ayaa dooneysa inay iska iibiso Callum Wilson hadii ay awoodaan inay dhameystiraan heshiiska weeraryahanka Everton Dominic Calvert-Lewin.

wixii warar ah ee ku saabsan suuqa kala iibsiga cayaartooyda waxaad kala socon kartaan si maalinle ah webkeedana.
https://www.footbool.net/ https://www.90min.com/



By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *