Xulka qaranka France ayaa barbaro 0-0 ah la dhaafi waayay Netherlands kulankii saddexaad ee maanta jimcaha la cayaarey ciyaarihii Euro 2024.
Iyadoo Kylian Mbappe uu kursiga keydka ka daawanayay cayaartii galabta ka dib markii uu maalmo yar ka hor markii uu sanka ka jabay, France ayaa u muuqatay mid ka yara kala qeybsan weerarka, inkastoo Antoine Griezmann uu weli dareemi doono inuu heysto fursado ku filan oo uu ku xaqiijin karo in yahey weerar yahanka buuxin karo booskii Mbappe.
Xavi Simons ayaa laga diidey gool uu dhaliyay qeybtii labaad ee ciyaarta iyadoo VAR ay ku gacan seyrtay, iyadoo labada kooxood ay ugu dambeyntii kala qeyb sadey dhibcaha oo galey barbaro goolal la’aan ah oo aheyd tii ugu horeysay ee Euro 2024.
Jeremie Frimpong ayaa helay fursad fiican labadii daqiiqo ee ugu horeysay laakiin ma uusan helin fursad fiican uu ku darbeeyo si xoogan iyadoo uu cadaadis kala kulmayay Theo Hernandez, taasoo u ogolaatay Mike Maignan inuu ka leexiyo kubada. goolhaya france ayaa sidoo kale sameeyey badbaadin fiican ka dib markii uu Cody Gakpo kubad ka badbaadiyey.
Griezmann ayaa la yaaban sida uu qasaariyey fursadii ugu fiicneed ee cayaarta taasi oo ahaan laheyd goolkii furitaanka markii uu Adrien Rabiot uu gacanta ka saaray. Kubbad goolka oo banaan aan cidana hortaaagneen ayuu xidiga Atletico Madrid oo wax yar oo yaardi u jira gool u badali waayay.Xulka France ayaa meesha ka sii wadey weerarkooda ciyaarta, waxeyna ku dhowaadeen in hogaanka ciyaarta qabtaan ka dib markii Marcus Thuram, laakiin weeraryahanka Inter ayaa kubad uu birta ka dul qaaday 30 daqiiqo ka dib shaqo fiican ka helay Jules Kounde.

Xavi Simons iyo Memphis Depay ayaa labadooduba soo maray daqiiqado halis ah iyada oo qaybtii hore lagu kala nastay balse midkoodna kuma guulaysan in uu shuudad halis ah ku rido goolhaye Maignan oo goolhaya France.

wixii warar ah kala socda halkaan maalin kasta iyo cayaaraha Euro 2024.
https://www.footbool.net/ https://www.90min.com/




By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *