Harry Kane waxa uu qirtay in xaaladu aysan sax ahayn labadii kulan ee uu cayaarey xulka England ee Euro 2024, in kasta oo kabtanku uu doonayo inuu diirada saaro inay u badan tahay inay u soo baxaan wareega xiga knock out, iygoon si fiican u ciyaarin, iney gaaran knock outka waa calaamad koox wanaagsan ay leedahay laakin waan in aan ka fiicnaanaa sida aan hada u cayaareyno.
Ciyaartoyda ugu tayada badan England ee qarni ka hor ayaa si weyn loo ammaanay ka hor tartanka, laakiin awoodda kooxdu ma tarjumin garoonka ilaa hadda. Markii ay ka horyimaadeen labada Serbia iyo Denmark, kooxda Gareth Southgate ayaa ku guuldareystay inay disho labada kulan midna waa lagu dhegey midna guul cariiri ah ayey heleen.Xulka Serbia ma aysan lahayn tayada ay ku ciqaabto England laakin Denmark ayaa sameysay.
"Waxaan u maleynayaa in aan dhahey inta uusan bilaaban tartanka ma jiraan ciyaaro fudud, waxaana filayaa in taasi ay hada cadaatey," Kane ayaa u sheegay BBC One isla markiiba ay cayaarta galabta soo dhamaatey ka dib markii ay barbaraha 1-1 la galeen xulka Denmarka. “Waxaan helnay heerar aan gaari karno, waana ka fiicnaan karnaa kubad la’aanteed iyo markaan haysanoba kubada, waxaan u maleynayaa in calaamadda kooxda wanaagsan ay tahay marka aadan u ciyaarin sida ugu fiican oo aad weli hesho natiijooyin sida aan hada heysano oo kale labadii kulan ee ugu dambeeyay waxaan helnay 4 dhibcood.
“Waxaan nahay kooxda ugu sareysa kooxaha, waan ognahay inaan horumar sameyn karno, waan ogahay inay dhici karto buuq badan iyo xoogaa niyad jab ah oo dalka dib ugu soo laabanaya, laakiin waxaan la kulannay tan iyo koobkii Euro ee ugu dambeeyay markii aan barbar dhac ku galnay Scotland. Talaabo talaabo, waan gaari doonaa halkaas." "Waxaan qabaa inaan ku dhibtooneyno kubada markan haysano iyo marka aan haysan labadaba, waxaan u maleynayaa in cadaadiska labada kulan uusan aheyn mid sax ah, kubadana kuma filna, qof walba wuxuu hoos ayuu oga dhacey heerkiisa wax yar, waxay ahayd mid adag. halkaas, laakiin waanu ogahey in aysan ahayn ciyaarteena ugu fiicneyd, laakiin dhibic ayaanu kala soo baxnay. Kane oo dhaliyay goolkii qeybtii hore ee England, ayaa u muuqday mid afka hore iska taagan kulankii labaad, kaliya wuxuu cayaarey 69 daqiiqo ka hor inta uusan ka saarin tababaraha.
"Waxaan u baahanahay tamar," Southgate ayaa sharxay markii su'aalo la weydiiyay go'aanka si toos ah BBC One. "Waxaan soo marnay laba kulan muddo gaaban, waxaanan u baahanahay lugo cusub, tamar si aan u cadaadinno. Waxaan u maleynayaa in Harry uu cayaarey hal kulan 90 daqiiqo bil gudaheed, taasina waa go'aanka aan qaadanay."

wixii warar ah ee ku saabsan koobkaan Euroaha 2024 kala socon kartaan webkeena si joogta ah kulan kasta ka dib wararka ugu waa weyn ee ay ka qoreen jaraaidyada. https://www.footbool.net/ https://www.90min.com/



By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *