Cristiano Ronaldo ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee ka soo muuqda lix koob oo Yurub ah iyadoo Portugal ay ku soo bilaabatay ololaha Euro 2024 iyagoo 2-1 kaga badiyay Czechia.
Halyeeyga weerarka ka ciyaara ayaa kaliya todobo kulan u saftay koobkiisii ​​ugu horeeyay ee qaaradaha, Euro 2004, laakiin waxa uu tartanka xagaagan socda soo galay isagoo u saftey 207 kulan dalkiisa. Ronaldo ayaa awoodi waayay inuu shabaqa soo taabto si uu u safto kulankiisii ​​208-aad, si kastaba ha ahaatee, xulkiisa Portugal ayaa sameeyay shaqo adag kulankii caawa ay 2-1 kaga badiyeen Czechia fiidnimadii Talaadada.
Xulka Portugal ayaa ku raaxaysanaysay kubad heysashada xilli hore, iyadoo Bruno Fernandes uu si qoto dheer uga soo dhex bixiyay, Rafael Leao ayaana si joogta ah u doonayay inuu soo xaroodo garabka bidix.
Ronaldo ayaa ku guul daraystay in uu si fiican uga faa’iidaysto kubad madax ah, waxaana uu si fiican u soo celiyay goolhayaha Czechia Jindrich Stanek, inkasta oo ku celiskii dambe ee Jota ee goolka noqdey meesha ka saartey offsite oo uu ku jirey xidiga Superstar-ka Al Nassr ee ronaldo kaasi oo laga diidey goolkii labaad.
Tanek ayaa mar kale beeniyay Ronaldo wax yar ka hor inta aan la aadin qeybta dhexe, Portugal ayaa kubada maamuleysay, lakiin waxa ay si cad ugu dhibtoonayeen inay helaan fursado cad oo ka dambeeya daafaca adag ee Czechia. Tani waxay ahayd markii ugu horeysay ee Euro 2024 ciyaar lagu kala nasto 0-0.
Portugal ayaa si cad diirada u saarayay karoosyada, waxayna kubad ku garaacdayo xerada ganaaxa qeybtii ugu fiicneyd 20 jeer ka hor qeybta labaad ee ciyaarta,
Si kastaba ha ahaatee, waxa gool looga naxsadey xulkii portugal ka dib markii Lukas Provod uu banaanka diilinta ganaaxa ka soo qaadey kubad aan u fiicaneyd taasi uu uu ku hubsadey shabaqa ayagoo hogaanka cayaarta la wareegay.Sagaal aqiiqo ka dib, natiijadii cayaarta is bedeshay ka dib markii uu Nuno Mendes kubada madaxa ah ku garaacey Robin Hranac, taasi oo si qurux badan ku gashey goolka oo ahaa own gool.
Markii ay saacadu sii socotay, Portugal waxay ku dadaalayey inay heleen guul iyadoo Liverpool Diogo Jota goolkii laga diiday kuma niyad jabin oo way sii wadeen weerarkii daqiiqadii 92-aad ee ciyaarta ayaa ciyaaryahan Francisco Conceicao uu kubad uu nasiibka lahaa helay kubad meel banaan waxana uu u dhaliyay Portugal goolkii guusha.

wixii warar ah ee ku saabsan koobkaan Euro2024 waxaad kala socon kartaan webkeena maalinkasta iyagoo faaf faahsan.
https://www.footbool.net/ https://www.90min.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *