Romelu Lukaku ayaa laba gool ka qasaariyey xulkiisa Belgium-ka kaasi oo 1-0 ay ku garaaceen xulkii Slovakia Euro 2024 kulankii maanta, Xulka belgiumka oo galabta kulunkiisa ugu horeeeyey ee Uero cayaarey ayaa guuldaro xanuun badan la kulmey. Romelu Lukaku oo u muuqata inuu Chelsea ku soo laaban doono xagaagan isagoo wali raadinaya badal joogto ah oo kaga tago Stamford Bridge, ayaa ka faaideysan waayey fursad dahabi ah oo uu hogaanka ugu dhiibi lahaa xulka Belgium, waxaan ka diiday fursadaas in uu gool u fasiro Martin Dubravka oo meelo dhow ka soo gaaray, kadib kubad aad u wanaagsan oo uu ka helay Doku iyo Kevin De Bruyne. Lukaku ayaa lumiyay fursad kale oo dahabi ah wax yar ka hor waqtigii nasashada haafkii hore ee cayaarta, wuxuuna noqdey gool offsite ah taasi oo xaalada ku sii murjisey xidigaan 3o sano-jir ah ee Romelu Lukaku.

Belgiumka ayaa wali haysta fursado kale oo kaga soo kabsado guuldaradaan maanta soo gaartey taasi oo ah in kulamada soo socda ee ay la cayaari doonaan Ukraine iyo Romania ee ka tirsan isla grupkaan waana in ay wada badiyaan.

wixii warar ah kala socdo halkaan si joogta ah ee ku saabsan koobkaan Euro

Wargeyska sports footbool.net

Football News, Transfer News, League Tables & Opinion | 90min

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *