Xiddigaha Premier League ayaa iska badali doona funaanadaha kooxahooda marka ay aadayaan Germany si ay ugu dagaalamaan koobka xiisaha badan ee Euro oo ay u caddeeyaan inay yihiin horyaalnimada qaarada.
96 ciyaartoy oo Premier League ah ayaa loo doortay inay dalkooda ku matali karaan ciyaaraha caalamiga ah, iyadoo Manchester City ay hoggaanka u hayso ciyaartoyga ugu badan ee koox kasta ka soo jeeda kuwaas oo laga soo xulay 14 xidig oo city ka tirsan. Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 10 xiddig oo wax walba samayn kara koobkaan euro 2024.
1. Bukayo Saka Xidigaan ayaa dad badan ku xasuusan doona rigooradii uu ka qasaariyay Italy finalkii Euro 2020, si kastaba ha ahaatee kooxaha Premier League jooga ayaa og inta uu tayadiisa gaarsiisan yahay.
England ayaa nasiib u yeeshay inay heystaan ​​weeraryahano aad u xoogan, weli Saka ayaa ka dhex muuqda kooxda. Xirfadiisa ayaa qeyb ka ah safka hore ee xiisaha badan ee dhabta ah ee saddexda libaax, hadii fursad lasiiyo, xiddiga da'da yar ee Arsenal waxa uu wadankiisa u qaadi karaa koobkaan.
2. William Saliba William Saliba ayaa inta badan ku dhibtooday inuu saameyn badan ku yeesho France si la mid ah kan Arsenal iyadoo tababare Didier Deschamps uu dhaleeceeyay ciyaartiisa.Ibrahima Konate iyo Dayot Upamecano ayaa sida caadiga ah laga soo hormariyaa Saliba si ay u noqdaan daafaca dambeedka ee France, si kastaba ha ahaatee daafaca tayada leh ayaa la siiyay fursad uu wacdaro ka dhigo ciyaar saaxiibtinimo oo ay la ciyaareen Canada, waana cadaalad in la yiraahdo labada gacmood ayuu ku qabsaday.Waxaa jirta sabab uu Saliba u ciyaaray daqiiqad kasta oo ka mid ah ololaha 2023/24 ee Arsenal xirfaddiisa ayaa u baahan boos uu ka helo kooxdaas. Oo haddii aad weydiiso taageerayaasha, waa inuu sidoo kale meel u amro Faransiiska.
3. Rodri ciyaaristisa jireed iyo mida maskaxeed ee ciyaarta ayaa Rodri ka dhigaysa mid ka mid ah,ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu fiican Yurub sidaa darteed hadii uu san haysan laheyn sifooyinkaas kuma soo baxeen xulka Spain.
Xirfadda Rodri ayuu ku soo jiitey tababaraha kooxda Isbaanishka isagoo inta badan oqday midka ugu muhiimsan. 27-sano jirkaan ayaa 50 kulan u saftay qarankiisa, waxaana la filayaa inuu mar kale ka qeyb galo tartankan eruoa ee ka dhici doonta Jarmalka.Lammaanaha khadka dhexe kawada cayaari doono ee Rodri iyo xiddiga Barcelona Pedri ayaa cabsi gelin doona kooxo badan, taasoo ka dhigeysa Spain koox la daawado xagaagan.
4. Bruno Fernandes Xulka Portugal ee Euro 2024 waxa ay ku faanaani karaan karti badan ee Bruno Fernandes uu u taagan yahay koox muhiim ah.
Ololihii Manchester United ee 2023/24 wuxuu ahaa mid niyad jab leh, laakiin Fernandes wuxuu weli ahaa mid rajo leh xilli ciyaareedka oo dhan si joogto ah ayuu u jiiday kooxdiisa oo uu u soo bandhigay qaab ciyaareed wax ka beddelaya.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa caan ku ah kaamilanaanta, waxaana shaki la’aan Fernandes uu xirfadaas u keeni doonaa Jarmalka isagoo u muuqda inuu wacdaro ka dhigo gudaha garoonka islamarkaana uu guulo u soo hoyo dalkiisa.
5. Phil Foden Phil Foden ayaa runtii sumcadiisa ku sameeyay kooxda Manchester City intii lagu jiray ololihii ugu dambeeyay ee ku guuleysiga horyaalka, wuxuuna aad u doonayaa inuu ku soo celiyo masraxa caalamiga ah.Habka weerarka Gareth Southgate waa inuu door bidaa ciyaaryahan sida Foden, kaasoo awooday inuu la qabsado caqabada la socota inuu si fiican u xirto lambarka 10 ee kooxdiisa.
Hadii la siiyo xoriyada uu ugu ciyaari karo dhexda England waxa uu awood u yeelan doonaa in uu dhaawaco kooxaha ka soo horjeeda isla markaana uu fursado u abuuro kooxdiisa.

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *