Maamulaha Barcelona Hansi Flick ayaa doonaya inuu khadkiisa dhexe ka dhiso khadka dhexe ee Manchester United Kobbie Mainoo, kooxda La Liga ka dhisan ayaa soo bandhigtay 8.5 milyan ginni oo lagu daray xiddiga garabka ka ciyaara ee Raphinha si ay heshiis isku dhaafsi ah ula soo wareegaan xiddiga heerka caalami ee dalka England.
Arsenal ayaa raadineysa lacag dammaanad ah oo dhan 40 milyan oo ginni si ay u fasaxdo goolhaye Aaron Ramsdale xagaagan.
Chelsea oo Horumar ka sameeyay baacsiga ay ku doonaysay xiddiga garabka uga ciyaara Crystal Palace ee Michael Olise kaas oo ay sidoo kale doonayso Man United.
Chelsea waxaa laga yaabaa in ay fasaxdo weeraryahankeda Armando Broja, iyadoo Everton ay wadahadalo kula jirto 30 milyan ginni oo ay kula soo wareegeyso xiddiga heerka caalami ee dalka Albania. inkastoo Everton aysan hada sameyn doonin wax dalab rasmi ah oo cayaartooyda ee suuqaan kala iibsiga ilaa laga caddeeyo xaaladdooda lahaanshaha.
Newcastle United ayaa heshiis shaqsi ah la gaartay goolhayaha Burnley James Trafford, iyadoo dalab ku kacaya 15 milyan ginni la filayo dhawaan bixiyaan.
Real Sociedad ayaa haatan isha ku haysa in ay Sergio Gomez kala soo wareegto kooxda Man City kadib markii ay diiday dookh ay ku iibsan lahayd daafaca bidix ee Arsenal Kieran Tierney.
Liverpool ayaa isha ku haysa saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Rodrygo waxana ay rajaynayaan in ay hoos u dhigaan qiimaha xiddiga reer Brazil iyaga oo u soo bandhigaya daafaca midig ee Trent Alexander-Arnold.
Fabio Vieira ayaa damacsan inuu ka tago Arsenal xagaagan ka dib markii uu ka carooday daqiiqadaha kooban ee uu haysto.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Crystal Palace Ebere Eze ayaa isha ku haya labada kooxood ee Man Utd iyo Tottenham Hotspur midkood.
Sporting CP ayaa ku wargalisay kooxaha doonaya xiddiga khadka dhexe ee Morten Hjulmand ee kala ah Man Utd, Tottenham iyo Barcelona – in ay ku qasban yihiin in ay keenaan 80 milyan oo euro oo u dhiganta (£68m) haddii ay doonayaan saxiixiisa.
Sergi Roberto ayaa Barcelona siin doona ilaa iyo inta ay suurtogal tahay in ay xalliyaan heshiiskiisa kordhinta ka hor inta ayna sahamin dookhyo kale. Kooxda Catalan ay isku magaalada yihiin ee Girona ayaa doonaysa in ay heshiis la gaadho.

wixi warar ah ee ku saabsan suuqa kala iibsiga cayaartooyda waxaad kala socon kartaan halkaan
https://www.footbool.net/ https://www.90min.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *