Waxaa jirta fursad aad u wanaagsan oo aad ku arki doonto isagoo ka ciyaaraya oo gool ka dhalinaya Premier League xilli ciyaareedka soo socda mana la arki karno isagoo ka ciyaaraya Bundesliga.
“Waxaa jira su’aalo la taaban karo iyo dalabyo loo soo bandhigay isaga, waxaan xaqiijin karnaa Manchester United, Chelsea iyo Arsenal inay dhamaantood weydiiyeen oo bilaabeen wadahadaladii ugu horeeyay.
“Waxaa naloo sheegay inuusan jirin go’aan kama dambeys ah oo ka soo baxay ciyaaryahanka iyo wakiiladiisa marxaladan wada xaajoodka hada socda ayuu u sheegay wakiilka cayaartooyda ee hada arintiisa ka gacanta ku haayo.
“Waxaa jira qodob lagu burburin karo qandaraaska ay kooxuhu ku doonayaan inay ku iibiyaan 65 milyan oo euro dhamaadka bisha June, ciyaaryahanka ayaa ka fiirsanaya doorashada ugu fiican ee uu dooranayo kooxda uu aadayo.
Kooxda RB Leipzig waxay sameyneysaa wax walba si ay ugu qanciso inuu sii joogo.
Sesko gabi ahaanba waxa uu diirada saarayaa Euro, waxa aanu u malaynaynaa in uu soo bixi doono go’aan labada ama saddexda todobaad ee soo socda ama koobka Euraha ka dib.

wixii warar ah kala socda halkaan oo ku saabsan suuqa cayaarooyda kooxaha ugu waa weyn ee Europa ay kula kala wareegayaan xidigaha.

https://www.footbool.net/ https://www.skysports.com/transfer-centre



By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *