Real Madrid ayaa guushii 15-aad gaartay koobka Champions League kadib markii ay 2-0 uga adkaadeen kooxda Borussia Dortmund ciyaartii finalkii ay la cayaareen kooxda reer German .Los Blancos ayaa xilli ciyaareedkan soo bandhigtay kulankii wembley iyadoo ah kooxaha aadka loogu jecel yahay waxayna ugu dambeyntii ku guuleysteen biilasheeda iyagoo ku guuleystay London ayaga oo isku ciyaaraya goolal dheer oo fiidkii ah. Kooxda BVB ayaa ahayd mid aan la fileyn inay finalka soo gaarto kana soo baxdo kooxda Atletico Madrid ciyaartii quarter-finalka, kaddibna Paris Saint-Germain ciyaartii semi-finalka, laakiin waxay ku guuldareysteen inay sameyaan mucjiso kale oo ay ku qaadaan koobka caawa laakinse taasi bedelkeeda waxaavku dhacday guuldarro xanuun badan. Karim Adeyemi iyo Niclas Fullkrug ayaa fursado waa wayn u diiday Dortmund qeybtii hore cayaarta fursado badan ayey abuureen laakin waxba oga noqon oo goolka hortiisa. Madrid ayaa nasiib ku laheyd in aan goolal laga dhalin oo cayaarta 0-0 lagu gaaro 45 daqiiqo ee qeybtii hore balse waxayna kala jabeen awoodi kooxda Dortmund badhtamihii qeybtii labaad ee ciyaarta kadib markii Dani Carvajal uu madaxa ka dhaliyey kroos oo Toni Kroos soo qaadaey, waana goolkiisii ugu horeeyay ee Champions League muddo shan sano ah oo uu dhaliyo. Taasoo caddeysay in Kroos uu yahay falkii ugu micnaha badnayd ee Kroos sameeyey ciyaaryahan Madrid isagoo dhawaan ku dhawaaqay go’aanka uu kaga fariisanayo cayaaraha ka dib ciyaarka euro 2024 ee xagaagan. Isaga iyo sidoo kale kabtan Nacho Fernandez iyo sidoo kale ay aheyd ciyaartoodii ugu dambeysay ee ay kooxda u ciyaari jireen, halka Marco Reus uu kursiga keydka kasoo baxay kulankiisii ugu dambeeyay ee Dortmund. Iyadoo ay wax ka yar 10 daqiiqo ka harsan tahay, vinicius Junior ayaa dhaliyay goolkii labaad ee Real madrid kadib markii Ian Maatsen uu si sahlan u qaldey taasi oo uu helay Vinicius oo banaanka taagan ka dibna gool qurux badan u bedelay fursadii taasi ooo Champions League kale u shaabadeeysay kooxdiis Real Madrid.

Guusha Madrid ee Wembley ayaa u aragta inay dhameystirtay laba ley koobab ah oo xasuus leh iyagoo sidoo kalena soo qaadey La liga oo kaalinta koowaad ku soo dhameystey, iyagoo kula tartamaya horyaalka Spain oo ay dib ugala soo noqdeen kooxda barcelona ay la tartameysay. Waxay haatan sidoo kale ku guuleysteen Champions League labo ka mid ah sadexdii sano ee lasoo dhaafay iyo sidoo kale lix jeer 10-kii sano ee ugu dambeysay.

wixii warar ah ee ku saabsan cayaarah horyaalada ugu waa weyn ee europe waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta.

Wargeyska sports footbool.net https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *