Kulan oo aad u xiiso badnaa oo lagu soo gudbaayey 8 dhamaadka ayaa waxaa galabta iska xaadiryeye xulka Erer 8 dhamaadka, Kooxda Gobolka Erer ayaa Guul Cajiiba ka gaadhay kooxda ku ciyaaraysay magaca Gobolka shabeele oo si gabi ahaana laga ciribtirey tartanka uu marti gelinayo jigjiga Stadium Sanadkan . Natiijo 5-3 kulan ku soo dhamaaday kulankii maanta ka dhacey jigjiga Stadium ka dibna kooxdii shabeele ayaa maanta wada macasalaameeyey tartankan.

Cayaartii kale ee xiisaha badneyd ee u dhaxeysa xulka Faafan iyo Xulka Doolo ayaa iyaga galabta dhacdey. Xulka Gobolka Faafan ayaa guul aad u weyn gaarey galabta isagoo iska xaadiriyay wareega sideed dhamaadka tartanka Gobolada Deegaanka Soomaalida kadib marki uu 4 Gool iyo Eber ku garaacay dhigiisa Gobolka Doollo, Koox loo tashaday oo iyadna tashatay ayaa gudubtey galabta. Maxaa laga filan karaa xulka Faafan Sanadkan ?-

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *