Thibaut Courtois ayaa kusoo bilowan doona goolka kooxda Real Madrid booska Andriy Lunin oo kusoo aadan finalka Champions League ee maalinta beri ah la ciyaari doonaan kooxda Borussia Dortmund. macalin Carlo Ancelotti ayaa shaaca ka qaaday kooxda Los Blancos ayaa raadinaysa koobkii 15-aad ee Yurub kaliya waa kulankii labaad ee abid ka dhacay garoonka Wembley Stadium. Ancelotti ayaa heysta koox ay oo ay ka buuxaan xidigo waa weyn oo heer caalami ah waxaan hada diiradda u saaran finalka. Goolhayaha kowaad ee kooxda Courtois oo dhaawac kasoo gaaray ACL ka hor xilli ciyaareedka 2023/24, dhaawaca muruga ah oo jeexniin ah ayaa gaarey xidigaan ah intii lagu guda jiray kulamadii guroobyada bilowgiisa waxay ka dhigan tahay in uu afar jeer oo kaliya ciyaaray xili ciyaareedkan ilaa hadda.

Xidigaan reer Belgian booskii uu ka maqnaa waxaa buuxiyey goolayah kale ee lagu magacaabo Lunin kaasi oo ku guuleystay booskaas waxqabadna ku sameeyay 31 kulan oo uu u saftay Madrid, isagoo meesha ka saarey xidigii amaahda ku joogey madrid ee Kepa xili cayaareedkaan. Lunin waxa uu 17 jeer oo kaliya u ciyaaray kooxda ugu guulaha badan ee Spain tan iyo markii uu sanadkii 2018-kii ka soo wareegay Zorya Luhansk oo ah dalkiisa Ukraine. Hase ahaatee Lunin uma uusan la safrin kooxda Madrid u anbabaxey London, xanuun awgiis, taasoo soo deg dejisey in Courtois uu ku soo noqdo booskiisa hore ee kooxda real madrid. Shirkiisii jaraa’id ee ciyaarta ka hor, Ancelotti ayaa xaqiijiyay in Courtois uu ku soo bilaaban doono. “Lunin ayaa safraya berri London kaligiis wuuna ku soo bilaabi doonaa kursiga keydka, Courtois ayaa ciyaari doona,” ayuu yiri Ancelotei”Courtois ayaa loo magacaabay cayaaryahanka kulanka xilligii Madrid finalkii ugu dambeeyey ee Champions League – kulankii ugu dambeeyey ee Madrid oo 1-0 kaga badisay Liverpool sanadkii 2022. Waxa uu rikoor ka dhigay sagaal gool oo uu badbaadiyay intii ay guusha so gaartay, iyadoo Vinicius Junior uu dhaliyey goolkii guusha ay ku gaartey habeenkaas kulankii ka dhacey garoonka kooxda PSG ee paris france..

wixii warar ee ku saabsan kubada cagta aduunka kala socda halkaan iyagoo faahfaahsan gaar ahaan horyaalada ugu waa weyn ee europe iyo wararka suuqa kala iibsiga cayaartooyda.

Wargeyska sports footbool.net https://www.facebook.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *