Pep Guardiola ayaa qaaday mas’uuliyadda guuldaradii Manchester City ka soo gaartay kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United sabtidii shaley cayaartii finalka FA Cup, isagoo sheegay inuu taatikodiisa ku qalday garoonka Wembley Stadium.
Cityzens ayaa ugu cadcadaa in ay ku guulaysato koobkaan ayagoo horyaalka Premier League ku guuleystay todobaadkii hore waxayna si fudud u garaacday Man United labadii kulan ee hore ee ka tirsanaa horyaalka premier league xilli ciyaareedkii 2023/24.
Si kastaba ha ahaatee, qaladkii ay sameeyeen labada cayaartooy ee Josko Gvardiol iyo Stefan Ortega ayaa hogaanka u dhiibay Alejandro Garnacho, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 2-0 ay ku hogaamineysay iyadoo ay da’yarka Kobbie Mainoo uu dhaliyey goolka labaadna.
Jeremy Doku oo bedel ku soo galay ayaa ku dhawaadey in bar bareeyo cayaarta kadib markii uu birta ku garaacay waqtiyadii ugu dambeysay ee cayaarta ,Andre Onana daqiiqadii 87-aad ee ciyaarta sameeyey badbaadin cajiiba ah kubada uu walker gees ka goolka dhigey waxeyna cayaarta ku soo dhamaatey 2-1 oo guul daro la kulankii kooxdii hoyaalka ingiriisak haatan ah ee Man city, macalinka kooxda Guardiola ayaa dhabarka u saartey guuldaradii soo gaadhay cayaartaas kooxdiisa.Waxa uu yiri: "Go'aamadii aan gaaray ma aanan joogin boosas sax ah oo aan ku weerari karo iyaga waxey aheyd qaladkeyga, qorshahaygu ma fiicneyn.
Ciyaartoyda way garanayaan sababta. Xeelad ahaan, ma fiicneyn.  Cayaartaan ma aan fiicneyn. Waxaan u qorshaysay ciyaar qaabab kala duwan leh laakiin ma shaqayn Xataa iyada oo taasi jirto, waxaan ku nimid laba ama seddex jeer seddexaad goolka aktiisa dhanka khadka dhexe laakin waxba kama faaideysan karoosyada aan soo qaadney.
“Waxay sameeyeen hal gool hal darbo iyo goolkaas uu dhaliyay Kobbie Mainoo, wax intaas dhaafsiisan ma jiraan, mar walba marka aan la ciyaareyno United, waxaan haysanaa koontaroolka, waxaana abuurnay qeybtii labaad, laakiin ma aanan awoodin inaan sameyno nadiijo”. Halka City ay ku raaxaysanaysay ku dhawaad ​​74% kubbad haynta, United waxay diiwaan gashatay shan darbo oo bartilmaameed.
Guuldarada ayaa la macno ah in City ay qaaday horyaalka Premier League kaliya laakiin ma jirin koobab kale oo maxali ah intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2023/24, iyagoo sidoo kale qaadey FIFA Club World Cup iyo UEFA Supercup intii lagu jiray qaybihii hore ee xili cayaareedkaan.

Wixii warar ah ee ku saabsan kubada cagta waxaad mar walba kala socon kartaan webkeena 24 saac.Wargeyska sports footbool.netSky Sports – Sports News, Transfers, Scores | Watch Live Sport

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *