Manchester United ayaa go’aansatay inay ceyriso tababare Erik ten Hag ka dib finalka FA Cup sabtidii, sida lagu sheegay warbixin.
Tababaraha reer Holland ayaa la kulmaya cadaadis weyn oo ku saabsan mustaqbalkiisa intii lagu jiray xilli ciyaareedkiisii ​​​​labaad ee Old Trafford, isagoo ku hogaamiyay koox ay dhaawacyo soo daashteen kuna dhameystey kaalinta sideedaad ee Premier League.
Ma cayaari doonaan sanadkaan wax kubbada cagta koobabka Europa 2024/25 kaliya rajadooda waa in ay garaacaan Manchester City sabtida si ay ugu soo baxaaan Europe league sanadka soo socda waa hadii ay qaadaan koobkan FAga laakiin quburada cayaaraha ka faalooda ayaa qoraya in guushaas ayna ku filnayn in uu ku sii hayo Ten Hag shaqadiisa iyada oo aan loo eegin.Red Devils ayaa durba suuqa ka raadineysay bedelka tababarihii hore ee Ajax, iyagoo wadahadalo la yeeshay macalinka Ipswich Town Kieran McKenna kaasoo sidoo kale kasoo muuqday liiska tababarayaasha bedeli kara Mauricio Pochettino, Thomas Frank iyo Thomas Tuchel.Pochettino, oo kaliya dhawaan xaqiijiyay inuu ka tagayo Chelsea hal xilli ciyaareed ka dib, ayaa la sheegay in lagu wargaliyay booska banaan ee United.
Ka dib bilow adag oo uu ku qaatay United, Ten Hag ayaa wax ka bedelay sanadkiisii ​​​​ugu horeysay, isagoo kooxda ku hogaamiyay kaalinta seddexaad ee horyaalka iyo Carabao Cup, waana koobkoodii ugu horeeyay muddo lix sano ah. Si kastaba ha ahaatee, Hubanti la'aanta ku aadan lahaanshaha kooxda ayaa saameyn ku yeelatay qaab ciyaareedka kooxda horaantii xili cayaareedkan taasoo keentay in ay Champions League xili hore ka harey iyagoo ku dhameystey kaalinta ugu hooseysa group-kooda. Iyadoo uu dhaawacyadii badnaa ee kooxda soo gaarey ayaa baabiyey qorshihii kooxdiisa oo dhan balse ugu horrayn dhanka difaaca, maamullida kubada iyo taatikada ciyaarta ayaa ka lumay waxeyna soo bandhigeen qaab ciyaareedkii ugu liitey 2023/24. 54 jirkaan ayaa sameyn kara sidii tababarihii hore ee United ee ay isku dal ka soo jeedeen ee Louis van Gaal oo ku guuleystay FA Cup kulankiisii ​​​​ugu dambeeyay ee isagoo tababare ah, laakiin rikoorkoodii ugu dambeeyay ee City ayaa ka dhigaya akhrin adag. Red Devils ayaa laga badiyay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay kulmeen kooxaha deriska la  ah, oo ay ku jiraan labadii kulan ee horyaalka xilli ciyaareedkan oo ku dhamaaday 6-1 isku cel celis ahaan iyadoo ay 6 dhibcood ay qaateen kooxda Pep Guardiola oo sanadkaan markii afaraad ku guuleystay horyaalka premier league, waana rekoor aan caadi aheyn oo ay dhigeen kooxda Man city oon wali dhigin koox kale oo ka tirsan horyaalka ingiriiska.
 
Wixi ku saabsan wararka sports waxaad kala socon kartaan halkaan maalin kasta.
Wargeyska sports footbool.net 
Football News, Transfer News, League Tables & Opinion | 90min

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *