Atalanta ayaa garaacday Bayer Leverkusen si ay ugu guuleysato finalka Europa League 2024 habeenkii Arbacada ee xalay , iyadoo xidiga garabka cayaara ee Ademola Lookman ayuu xaley u ahaa habeen xasuus badan oo uu soo bandhigey qaabkii ugu fiicnaa ee kubadadiis intii lagu guda jirey garoonka AVIVA Stadium ee Dublin. Kaliya maahan koobkii ugu horreeyay ee Yurub ee Atalanta ay ku guuleysaan xaley ee waxay si cajiib ah u soo afjartay xilli ciyaareedkan rekordkii aan laga badin kooxda Leverkusen. Kooxda heysata horyaalka Jarmalka ee dhawaan loo caleemo saaray horyaalka Jarmalka ayaa 51 kulan aan laga badin dhamaan tartamada oo dhan ka hor inta aysan imaan caasimada Ireland, laakiin kooxda Xabi Alonso ayaa gabi ahaanba la waayey oo waxaa meesha ka saarey awooda iyo  taatikada macalinka reer Italia ee Gian Piero Gasperini. Kooxda Leverkusen ma xumayn kubad cayaaristooda, laakiin Atalanta ayaa dhan walba ka fiicnayd. Lookman oo ahaa xidig u soo cayaarey kooxahah kala aha Everton, Fulham iyo Leicester City, ayaa soo bandhigey qaab cayaareed aad u sareeyo tan iyo markii uu u wareegay Bergamo 2022. Koofiyadiisavlama haysan karo wuxuu ahaa tayada ugu sareysa ee kooxda Atlanta. Goolkii ugu horreeyay waxey dhaliyeen kooxda Atlanta kaliya 11 daqiiqo markii ay cayaarta socotey,  wuxuuna ahaa goolkii ugu fududaa marka loo eego goolasha kale ee labada aha. Dhanka kooxda Atalanta, ayaa waxey sameysay kor u  kac cajiibka ah intii uu  hogaaminayey macalinka reer taliyaani Gasperini tan iyo 2016. Waxa ay ahaayeen naadi ka cayaara heerka labaad ee Seri B ah. Kooxdaan waligeed kuma dhammaysan wax ka sareeya kaalinta shanaad ee Seria A – oo ay soo gaareen  1940-meeyadii ka hor ilaa ay jabiyaan rekoorkii afarta sare ee horyaalka. xilli ciyaareedkii 2016/17. Waxay u soo baxeen Champions League dhowr jeer tan iyo markaas, iyadoo guushan Europa League ay xaqiijisay inay ku soo laabanayaan tartanka ugu sareeya ee qaaradda xilli ciyaareedka soo socda. Xilli ciyaareedka Leverkusen ma dhamaan. Waxa ay wali u tartami doonaan finalka DFB Pokal oo ay sabtida la ciyaari doonaan Cologne, iyaga oo fursad u haysta in ay ku dhamaystaan xili cayaareed cajiib ah ​​oo ay ku qaadeen laba koob oo dalka gudahiisa ah.

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *