Liverpool ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in Arne Slot uu tababare Jurgen Klopp ka bedeli doono xagaagan shaqada tababarenimo .Reds ayaa raadisay tababare cusub ka dib markii uu Jurgen Klopp ku dhawaaqay inuu baxayo bartamihii xilli ciyaareedka. Heshiis ayaa la isku afgartay bishii April, Klopp ayaana si aan rasmi ahayn u xaqiijiyay warkan isagoo ku heesay magaca ninka reer Holland intii lagu jiray macsalaamayntiisa Anfield Axadii.
Kooxda Liverpool ayaa haatan daaha ka qaaday TababareSlot kaasi oo ku guuleystay Eredivisie iyo Koobkii KNVB oo ku dhameystay kaalinta labaad ee 2021/22 Europa Conference League Feyenoord, ayaa la wareegi doona markii ugu horeysay abid macalin u dhashey dalka Holand.
War qoraal ah ayaa u qornaa sidan: “Kooxda Kubadda Cagta Liverpool waxay ku dhawaaqeysa hada in Arne Slot uu ogolaatay heshiis uu ku noqonayo tababaraha cusub ee kooxda, isagoo si rasmi ah u la wareegaya booska June 1, 2024, iyadoo ku xiran fasax shaqo.
“45 jirka waxa uu Reds kaga soo biiri doonaa Feyenoord ka hor xilli ciyaareedka 2024/25 kadib markii uu heshiis la gaadhay kooxda Eredivisie. “Slot ayaa badali doona Jurgen Klopp kadib go’aankii uu kaga tagay shaqada dhamaadka xilli ciyaareedkan”.
Slot laftiisa ayaa horey u sheegay bishan May bilowgeeda inuu ka tagayo kooxda Feyenoord kuna biirayo Liverpool, iyadoo warar soo baxay ay sheegayaan inuu saxiixay heshiis seddex sanno ah oo uu ku joogi doono Anfield.
Ka dib xirfad ciyaareed ee kubada taasi oo uu ka soo cayaarey khadka dhexe ee kooxaha kala ah FC Zwolle, NAC Breda, Sparta Rotterdam iyo PEC Zwolle, Slot wuxuu qabtay shaqadiisii ​​​​ugu horeysay ee tababarenimo isagoo soo maamuley guud ee Cambuur 2016. Wuxuu kalo soo maamuley AZ Alkmaar 2017, markii ugu horeysay isagoo  ku xigeenka maareeye ka soo noqdey ka hor inta aadan noqon tababare rasmi ah. Ka dib markii ay cayaareen kulamadii ugu dambeeyay ee Europa League oo ay ku dhameysteen kaalinta labaad ka dibnqa uu saameyn ku reebay Covid-19- 2019/20 kooxdq Eredivisie, Slot ayaa waxaa  laga ceyriyay shaqadii macalinimo ee kooxda Eindhoven ka dib wuxuuna la wareegay Feyenoord ololaha 2021/22.
Feyenoord ayaa ku guulaysan lahayd horyaalka sanadkan hada socda laakiin way ku fashilantay in ay difaacato markan iyada oo 7 dhibcood ka danbeysa PSV Eindhoven oo haatan u muuqata mida horyaalka ugu cad cad loona badinaayo in ay qaadey. Tababahaan cusub ee liverpool qaab cayaareedkiisa wali wax badan lagama yaqaano marka waxaa la arki doono markii uu kooxda qabto cayaarah saaxiibtinimo ee kooxda cayaari doonto inta fasaxa summerka lagu jiro.

Wixii warar isports ah kala socda halkaan maalint kasta iyo saacad kasta wixii cusub.

Wargeyska sports footbool.net Football News , Transfer News, League Tables & Opinion | 90min

 

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *