Barcelona ayaa xiddiga Liverpool ee Luis Diaz ka dhigtay bar-tilmaameedkeeda ugu sarreeya suuqa kala iibsiga xagaaga, sida lagu sheegay warbixin kale oo soo baxaayo ayaa sheegaya in kooxda Blaugrana ayaa baadi goob ugu jirta weeraryahan cusub oo  ay ku dagaalamaan xilli ciyaareedka 2024/25 waxaana lala xiriirinayay ciyaartoy kala duwan bilihii ugu dambeeyay.
Magaca ugu sareeyo ee liista cayaartooyda ay rabaa  waa Diaz, majaladda Catalan ee Mundo Deportivo ayaa sheeganeysa in Barca ay go'aansatay inay ka dhigto xidiga ay  xiisaha ugu badan u qabaan. Kooxda Barca oo fahansan in xiddiga reer Colombia uu u furan yahay inuu u dhaqaaqo. Xagaagan dhankaas iyo spain. Diaz ayaa dalban doona mushahar la mid ah kan uu hadda Liverpool ka qaato, Barcelona ayaana diyaar u ah inay dhaqaale ururiso  si ay u soo iibsato ciyaartoyda ay rabto sidaas daraadee waa inay heshiisyo xayeysiin oo cusub la gasho shirkadaha Nike iyo Barca Studios.
Xiddiga reer Kolombia ee garabka ka ciyaara aabihiis ayaa hore u qirtay riyada Diaz inay tahay inuu matalo Barcelona, ​​isagoo leh: “Runtu waxay tahay inaan wax yar ka ogahay Barcelona xilligan, waa run in Luis uu yahay taageere daacad ah oo Barcelona ah, waxay ahaan lahayd riyadiisa inuu halkaas tago. Ilaa hadda waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo Porto iyo Liverpool sida ay u soo dhaweeyeen.
Luis Diaz waa ciyaaryahan ay u sahlanaato inuu uu la qabsado kooxda uu ku biiro sababtoo ah qaabka uu u cayaaro, shaqadiisa, daacadnimadiisa, waa ciyaaryahan aad u edab badan, Dhibaato ma jiri doonto haddii Luis uu yimaado Barcelona sababtoo ah waa koox sare waana mid ka mid ah kuwa ugu fiican adduunka”.
Mundo Deportivo ayaa soo jeedinaysa in hadii Barcelona ay awoodo in ay soo bandigto lacag  macquul ah si ay Liverpool u soo hor dhigaan dalab la aqbali karo, markaas Diaz ‘uu samayn doono qaybtiisa oo ah in uu u qasbo kooxdiisa haatan uu la joogo ee liverpool inkastoo la ogeen waxa uu tabaraha cusub ee imaan doono kooxda goaankiisa ku aadan in uu fasaxo xidigaan iyo in kale.
 
Wixii warar ah ee sports halkaan kala socda maalin kasta.
 
Wargeyska sports footbool.net 

Football News, Transfer News, League Tables & Opinion | 90min
 

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *