Gary Neville ayaa aaminsan in tartanka horyaalka Premier League ee u dhexeeya Arsenal iyo Manchester City la go’aamin doono kulanka caawa, markaas oo Tottenham ay martigelinayso kooxda Pep Guardiola, Guushii ay Arsenal 1-0 kaga badisay Manchester United ayaa la macno ah in tartanka horyaalka ee labada dhinac uu xaqiiqdii u sii dhici doono maalinta ugu dambaysa ee Axadda, iyada oo Gunners ay hal dhibic ku hayso hogaanka Cityna ay labo kulan u dhiman yihiin  xilli uu hal todobaad ka hadhsan yahay xilli ciyaareedka. Si kastaba ha ahaatee, City ayaa kulan baaqi u ah ayaa la cayaari doonto caawa kooxda ay xafiiltamaan Arsenal ee ka dhisan waqooyiga London habeenka caawa ah , wuxuuna soo gali doonaa 8pm. Haddii kooxda Guardiola ay badiso kulankaas, waxa ay laba dhibcood ka sarreeyaan Gunners oo ay hal kulan kaliya ka harsan  horyaalka Premier League xili cayaareedkaan kaasi oo la wada cayaari doono Axada horteeni ah.
Labada kooxood ee City iyo Arsenal ayaa  wajihi doona kooxaha West Ham iyo Everton gurigooda maalinta ugu dambaysa ee la cayaari doono horyaalka kulankiisa ugu dambeeyo , waxaana la qiyaasayaa in labaduba kooxoodba ay badin doonaan kulammadaas ugu dambeeya, taasoo la micno ah in kulanka  caawa Talaadada ah ee ka  dhici doona garoonka Tottenham Hotspur Stadium uu saameyn weyn ku yeelan doono halka uu koobka horyaalka heerka kowaad ku aadayo xili cayaareenkan ma London mise Manchester city.                                                                        "kulanka caawa waa go'aamiye," ayuu ku yiri Gary Neville. “Bil ka hor, waxaan dhahey waxaan rajaynaya kulanka Tottenham vs Man City uu noqdo kii go aamin lahaa natiijada horyaalka waana u muuqataa hada. Waxaa jira waqtiyo qaar oo  ay adkeyd in la sii saadaaliyo laakiin hada way soo dhawaatey waana ciyaartaas habeenka caawa ah la cayaari doono. Labada kooxood City iyo Arsenal wax khalad ah ma samayn doonaan  kulanka u dambeeyo ee Axadda."Kulanka caawa talaadada waa halka la go'aamin doono - waxaana jiri doono suaalo badan oo  meeshaan yaalo, Tottenham ciyaar noocee cayaari doonaan ? Dhibaato ma u keeni karaan city? Way awoodaan, laakiin ma qaadan karaan fursada oo ay badinayaan ee ay ku heli karaan dhibcaha ciyaarta? Sualahaan iyo kuwao badan jawaabtooda caawa ayaa la heli doonaa.

wixii faah faahin ah kulanka caawa waxaan idinku soo gudbin doonaa warar keena dambe ee cayaarta ka dib. waxaad kala socon kartaan halkaan.       

https://www.footbool.net/ https://www.skysports.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *