Labo gool oo soo daahay oo uu dhaliyay Jhon Duran oo bedel ku soo galay ayaa ka caawiyay Aston Villa inay dhibic muhiim ah ka hesho, laba gool oo looga dhaliyay Liverpool xili dambe ayaa iyaga u diiday in ay qaataan sadaxdii dhibcood ee cayaarta xaley. Villans ayaa ciyaarta ku soo idlaatay 3-1, iyadoo Emiliano Martinez uu iska dhaliyay gool iyo dadaalo ay sameeyeen Cody Gakpo iyo Jarell Quansah. Si kastaba ha ahaatee, Duran ayaa ka soo kacay kursiga keydka si uu labo gool u dhaliyo una kordhiyo rajada Villa ee u soo bixitaanka Champions League. Waxay hadda shan dhibcood ka sarreeyaan Tottenham Hotspur oo ku jirta kaalinta shanaad.
Aston villa ayaa ku bilowday cayaartii xaley  iyadoo og in labadii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ay badiyaan mid ka mid ah ay kaalinta afaraad ku qaadanayaan. Waa laba kulan  ee ugu dambeeya ee xilli ciyaareedka hadii ay badiyaana ay xaqiijin doonto in ay ka qeyb galaab Champions League 2023/2024.
Orodkii Harvey Elliott iyo hal-laba uu la socday Mohamed Salah ayaa ku soo idlaaday kubad uu soo karoosay ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Ezri Konsa. Taasi oo sababta ee loo diro xidigaan ku guulaysto koobka adduunka isku dheeli tirnaan la aan ku dhacdey awoodisa awgeed, waxaana uu ku soo dhamaadey  kubadaas weerarka ahey uu shabaqa ku hubsado.
Bilaw caajis ah oo difaac u badan ee kooxda martida loo ahaa ayaa halkeedii ka sii socotay markii Salah uu daba mariyay cayaar yahan Lucas Digne, waxaan u ahaa Salah mid kubada aad u soo sharaxaayey taasi oo keentay in gool-ku-qaadka ee uu Gakpo ku garaacey. Garoonka Villa Park ayaa waxaa is qabsadey dabaal deg iyo qaylo dhaan markii kooxda martida loo ahaa ay la timid goolal barbaraha ee cayaarta iyagoo lagu hogaamiyaayey 1-3 ayey ka dhigeen 3-3 taasi oo taageerashaa Aston villa hurdada ka soo jaftey laakin waxey hurdo la aan ku rideen taageerayaalkii Totenham ee cayaarta ka sugaayey in laga badiyo Aston villa si ay kaalintooda champions leagu u soo bixitaanka u soo noolaado laakin sida ay hada u muuqado mugdi ayey sii gashey waayo waxaa harsan hal kulan hadii ay badiyaan ama bareejo xitaa helaan Aston villa ayaa ku soo baxeysa kaalinta 4 aad ee kala sareynta horyaalka premier leagea. Rajada totenham waa labada kulan ee u harsan in ay badiyaan oo Aston villa loo qabto kulanka u harsan taasi oo ah wax aad iyo aad u adag marka loo fiiriyo kooxaha u dhiman waxaa ka mid ah city oo ay caawa la cayaari doonto taasi oo iyana ka carareyso in ay horyaalka laga qaado hadii aysan caawa garaacin totenham, marka waa kulan adag oo labada dhinacba u muhiim ah in ay guul ka gaaraan, midii badiso waa sidii in ay koobka qaadey oo kale waayo mid waliba natiijada wax weyn ayaa oga xiran marka waa la isku soo wada diyaar garoobey labad kooxoodba awoodooda ayey caawa garoonka la imaan doonaan, inkasto ay totenham gurigeeda joogto hadan city ma fududa in ay garaacdo .

Wxii warar ah ee sports halkaan kala socda:

Wargeyska sports footbool.net   Football News, Transfer News, League Tables & Opinion | 90min

 
 

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *